Wasiir Sacad Oo Qaabilay Safiir Faransiis Ah Iyo Wefti Ka Tirsan Shirkadda Bollore

0
554

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Faransiiska ee Kenya jooga danjire Rémi Maréchaux oo ay weheliyaan wefti balaadhan oo ka socda shirkadda Bollore ee halganka ugu jirta in lagu wareejiyo maamulka dekedda Berbera.

1

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Wasiir Sacad, waxay weftiga ka wada hadleen mashruuca jidka Berbera Corridor iyo siyaabaha kor loogu qaadi karo horumarka dhaqaalaha ee mustaqbalka. Safiirka Faransiiska ayaa wuxuu Wasiir Sacad u sheegay in dawladda Faransiisku caawiso cisbitaalka Edna Aden ee magaalada Hargeysa.

Safiirka Faransiiska ayaa la dhacay horumarka ka muuqda Somaliland, gaar ahaan dhinaca dhismayaasha oo uu xusay inuu arkay dhismayaal badan oo dalka ka socda kuwaas oo aan jirin markii ugu dambaysay ee uu yimid.

Wasiir Sacad, ayaa wuxuu yidhi “Berbera waa xarun ganacsi oo muhiim ah, taas oo awood u leh inay noqoto dekedda ugu balaadhan Geeska Afrika oo oo aanay reer Somalialnd oo keliyi ka faa’iidaysan doonin balse ay ka faa’iidi doonaan wadamada Afrika oo dhami. Waxa la gaadhay wakhtigii ay dekedda Berbera ee Somaliland xal muuqda u noqon lahayd gobalka Geeska Afrika.”

Wasiir Sacad, wuxuu kaloo weftiga uga waramay xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada Somaliland.