Wasiirka Warfaafinta Sudan Oo Sheegay In Nebi Muuse (CS) Iyo Fircoon Ay Suudaani Ahaayeen

0
683

Khartuum (Geeska)- Wasiirka warfaafinta ee dalka Suudaan Axmed Bilaal ayaa Axaddii toddobaadkan ee 19ka Maarij waxa uu sheegay in Fircoonka uu Qur’aanka Kariimka ahi ka sheekeeyey uu ahaa Suudaani, waxa aanu hadalkiisan marag uga dhigay qisada webiyada uu Fircoon sheegay in ay hoos marayeen, sida ku xusan Qur’aanka Kariimka ah, isaga oo doonayey in uu tolkii u hogatusaaleeyo xaqiiqada Ilaahnimada uu sheeganayey.

Waxa uu wasiirku ku dooday in Fircoon uu sheegay ‘Webiyo’ sida la’ ogyahayna uu dalka Masar maro webi keliya, halka dalka Suudaan lagu tilmaamo in uu yahay dalkii webiyada, taasina ay caddaynayso in halka uu Fircoon sheegayo ee webiyadu hoos marayaan ay tahay Suudaan. Wasiirku waxa uu ku cawday in taariikhda dalkiisa wax badan laga been sheego, waxa aanu hadalkiisani ahaa mid uu ku dhalleecaynayo waxa uu u arko in dadka qaar ay yasaan Ahraamta iyo aataarta kale ee ku yaalla woqooyiga dalka Suudaan.

Ma’aha markii ugu horreysay ee wasiirka warfaafinta dalka Suudaan uu sheego warar la xidhiidha arrintan, waxa aana la xasuustaa bishii Noofambar ee sannadkii 2015-kii, mar uu sheegay in halka ay ku kulmaan labada badood ee uu Alle Qur’aanka ku sheegay markii uu ka warramayey qisadii Nebi Muuse iyo Khadar (Labadoodaba Alle naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo), uu wasiirku sheegay in halkaas baduhu ku kulmeen ee la sheegayaa ay tahay magaalada Khartuum ee caasimadda Suudaan oo uu sheegay in ay tahay halkii uu Nebi Muuse kula kulmay Khadar (CS)

Nebi dhulka Suudaan ka soo baxay:

Warbixintan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey shabakadda Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in doodad ah in Fircoon uu Suudaani ahaa, ama xitaa Nebi Muuse (CS) laftiisu uu Suudaani ahaa aanay ahayn dood cusub, waxa aana hore ugu dooday Caalmikii diinta Islaamka ku xeeldheeraa ee Nayil Cabdalqaadir Abu-Quruun oo u dhashay dalka Suudaan. Kitaab Toddoba sano ka hor soo baxay oo uu Abu-Quruun ugu magac daray, ‘Nebi ka dhashay dhulka Suudaan … Akhris ka duwan kii hore oo la xidhiidha qisada Muuse iyo Fircoon’ ayaa laga yaabaa in ay tahay aragtida uu wasiir Axmed Bilaal laftiisuna ka duulayo in kasta oo aanu warkiisan ku xusin Abu-Quruun.

Abu Quruun wawxa uu kitaabkiisaa ku sheegay in isaga oo ka duulaya Aayadaha qisadan la xidhiidha ee Qur’aanka Kariimka ah, iyo aataarta laga helay dhulka Suudaan in ay u soo baxday aragti ka duwan tii hore oo la xidhiidha Qisada Nebi Muuse (CS) iyo Fircoon, taas oo aaminsan in Muuse (CS) iyo Fircoon halka ay ka dhacday tahay Suudaan labadooduna ay ahaayeen Suudaani.

Qoraaga Abu-Quruun waxa uu kitaabkiisaa ku sheegay in woqooyiga Suudaan ay tahay dhulkii ay deegaan ahaan lahaayeen kuna dhaqnaayeen Nebi Muuse (CS) iyo Fircoon, webiga Niilkuna uu yahay webigii uu Muuse ushiisa mucjisada ahayd ku dhuftay ee labada qaybood u kala dillaacay markii ay isu mucjiso dhiganayeen isaga iyo sixiroolayaashii Fircoon.

Halkii uu Alle kula hadlay Nebi Muuse (CS)

Abu-Quruun waxa uu aaminsan in Alle (SWT) uu Nebi Muuse (CS) kula hadlay meel ku dhow buurta lagu magacaabay Muqaddas oo aan ka fogeyn caasimadda boqortooyadii qaddiimiga ahayd ee Koosh oo ka dhisnaan jirtay woqooyiga dalka Suudaan, waana buurta magaceeda caadiga ahi yahay Al-Barkal, oo illaa maanta ay jiraan qisas iyo sheekooyin la xidhiidha oo awoow ka sheekee ka ah dalka Suudaan. Buurtani waxa ay ku taallaa bariga webiga Niilka, mid ka mid ah meelaha ay labadiisa gebi isaga soo yara dhowaadaan, waxa aanu Abu Quruun ku doodayaa in halkaasi ay tahay halkii uu Nebi Muuse kala gudbay reer Bani’ Israa’iil markii uu ka baxsanayey Fircoon, iyada oo uu Fircoonna halkaas ku qaraqmay. Dooddaas oo macnaheedu yahay in halka uu Fircoon ku qaraqmay aanay badda ahayn ee ay webiga tahay.

Kitaab kale oo lagu magacsaabo ‘Suudaan Dhulkii Nebiyada’ ayaa qoraaga isna u dhashay Suudaan ee Bare-sare Mukhtaar Cabdasaal oo geeriyooday sannadkii 2013-ku waxa uu ku doodayaa in baadhitaannada xadaaradaha qaddiimka ah ee Suudaan ka jira iyo raad-raaca afafka tirada badan ee lagaga hadlo, ay ka soo dhex baxayso caddayn muujinaysa in meelaha lagu sheego in ay ka dhaceen qisaska la yaqaan ee Nebiyadu (CS) ay marar badan ka duwan tahay halka taariikhdu ku sheegto, qisaskaad badankooduna ay ka dhaceen Suudaan.

Halkii ay ku kulmeen Nebi Muuse iyo Khadar (CS)

Wasiir Axmed Bilaal Cusmaan waxa kale oo uu isla sannadkaas 2015-kii sheegay in halkii uu Nebi Muuse ugu yimid Khadar markii Alle (SWT) faray in uu cilmi ka soo korodhsado ay ahayd deegaan Maqran la yidhaahdo oo u dhow magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan. “Deegaankani (Muqrin) waa halkii uu Nebi Muuse (CS) xikmadda kaga korodhsaday kulana kulmay Khadar oo ahayd jasiiradda Tooti” ayaa uu yidhi mar uu ka hadlayeen shir ay warbaahinta dalkaasi lahayd.

Dadka deegaanka u ah jasiiraddan webiga dhexdiisa ah ee Tooti ayaa iyaguna muddo dheer caado u lahaa in ay ka barakaysi u tagaan dhagax uu sheegay wasiirku in uu yahay kii sallaxaha ahaa ee uu ku fakaday xuutkii Nebi Muuse (CS), laakiin muddooyinkii dambe dhagaxaas weyn ee dhadhaabta ahaa wuu qarsoomay meel uu ku dambeeyeyna lama garanayo. Cilmibaadhayaasha Suudaan waxa ay ku doodayaan in halka labada badood ku kulmaan ee Qur’aanku sheegayo in Muuse (CS) Khadar kula kulmay ay Khartuum tahay, iyaga oo ku doodaya in dhaqan ahaan dadka reer Suudaan ay webiga Niilka ee gacamadiisu Khartuum ku kulmaan ku magacaabi jiray Bad. Kelmaddaas oo ay illaa hadda dhaqanka hore ee Suudaan ku jirta, marka ay webiga ka hadlaya.