Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Madaxweynaha La Doortay Iyo Aragtidiisa Wasaaradihii Uu Soo Maray

36
3090

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka, Madaxweynayaashii taladda dalka iskaga dambeeyey, muddo xilkeedkii Xukuumadda Axmed Siillaanyo, oo beri xilka si rasmiya u wareejinaya, iyo aragtidiisa ku waajahan Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Wasiiraddihii kala duwanaa ee uu xilka ka soo qabtay, iyo mid walba wuxuu ka qabtay, waxaanu ku taliyey in mar walba cadaalada la ilaaliyo, oo qaranimada la wada ilaashado, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dalkeenu meel aad u fiican buu marayaa, dadka reer Somaliland waa dad gob ah, oo dalkooda ilaashada, oo nabadgalyadooda ilaashada, oo xaalad kasta oo ku timaada u samra, waxaana xaqiiqo ah in in iyadoo aan wali Beesha Caalamku aqoonsi caalamiya ina siin, in haddana wax badan aynu qabsanay, oo Doorashooyin xor iyo xalaal ah qabsanay, oo Dimuqraadiyada horumar ka gaadhnay, Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ILLAAHAY waxaan uga baryayaa inuu cimriga u dheerer iyo inuu ku noolado caafimaad iyo qurux, Madaxweyne Muuse Biixina waxaan ILLAAHAY uga baryayaa in xilkaas uu qabtay, uu ku asturo, Madaxweyne Muuse Biixi waan hubaa inuu yahay nin adag oo cadaaliya,oo dadkan iyo dalkan xaladooda garanaya, oo gobol, gobol, degmo degmo, tuulo tuulo, uu u garanayaa, waan hubaa inuu Madaxweynaha la doortay wanaag mooye aanu wax kale ka talinayn, umadda reer Somaliland waxaan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan, mucaarid iyo muxaafidba, dal qudha ayeynu wada leenahay, dad qudha ayeynu wada nahay, shanti sannaba madaxweyne ayaa la dooranayaa, Daahir Rayaale ayaa Madaxweyne ahaa, oo siddeetan cod ayuu Siillaanyo kaga tagay, Doorashadii ku xigtayna Axmed Siillaanyo ayaa Madaxweyne loo doortay, maantana Muuse Biixi ayaa Madaxweyne loo doortay, Doorashada dambana ILLAAHAY isaga ayaa og cida uu keeni doono, laakiin waxaan leeyahay Madaxweynaha la doortay ha lala shaqeeyo, waxaynu isku haynana waxa ka weyn waxaynu wada wadaagno, ee inaga dhexeeya”.

Wasiir Caddani mar uu ka hadlaayey Wasaaraddihii uu soo maray ayaa yidhi“Markii aan ahaa Wasiirul-dawlaha Maaliyadda Mashruuca horumarinta Somaliland ee SDF,aniga ayaa Wasaaradda u joogay, mashriicda inta ugu badana waa intii la qabtay, mashruucan weyn ee dib u habaynta Maaliyaddana aniga ayaa hogaaminaayey, maantana waa loo aayey, Madaarka cid kasta oo dhoofta waxay shuruuc marayaan, ee nabadgalyo ku saabsan in meel kaliya laga wada gali karayo, shaqaale , dadka dhoofaya iyo dadka soo degayaba, sida la isku baadho, in Barsoosha loo galayn Madaarka, in dadka la baadho, xitta kabahooda, Suunka, in Madaxweynuhu salaantiisa ku qaato Madaxtooyada, oo aanu Madaarka ku qaadan, waxaas oo dhami waxay ahaayeen shuruucdii aan soo dajiyey markii aan joogay Wasaaradda Duulista”.

Mar uu ka hadlaayey Wasaaradda Warfaafinta iyo wuxuu ka qabtay ayaa yidhi “Wasaaradda Warfaafintu waxay ahayd Wasaaradda ugu buuqa badan  intii aan joogay ka hor, maantana waa Wasaarad caalamiya, oo la isku raacsan yahay inay tahay Wasaaradda ugu wanaagsan, ee ugu miisaanka badan, shaqaalaheedu wey shaqeeynayaan, oo si cadaalad ah ayaanu Xisbiyadii ugu sameenaynay wakhtigii ololaha, awalna waa laga caban jiray, shaqaalihii Wasaaradda Warfaafinta ayaanu sinay oo aanu cadaalad u sameeynay, al cadaala wax kale igumay bixin ee anigoon shaqaalaha qabiil u eegin, oo aan reer u eegin, ayaanu u eegnay muxuu qabanayaa qofku, labadii qof ee isku shaqo ah, isku mushahar bay qaadanayaan, labadii xil hayaa isku mushahar bay qaadanayaan, labadii isku darajo ahi isku mushahar bay qaadanayaan, ta kale marka ay Jaamacadduhu yidhaahdan shaqaale ayaanu doonaynaa, barigii hore cida la doono ayaa loo qori jiray, laakiin sannadkan iyo sannadkii horeba bakhtiya nasiib ayaanu u sameeynay, marka ardaygu ama waalidka shaqaalaha ahi nasiibkiisa ayuu ka qaada, sannadkan oo qudha 125 ayaanu shaqaalaaysiinay, waxaanu u shaqalaysiinayna waxa weeye in dalka ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo shaqeeyanaya ayaa dad kale la dul keeni jiray, aniguna arintaas waan diiday, 12 hablood ayaanu dalacsiinay, oo xilkoodii hore, xil ka weyn aan u wada dhiibay, qorshuhuna wuxuu ahaa wax kasta oo nin qaban karo, ay inantuna qaban karo, haddii ay doontana ay kaga wanaagsan kartaba, qodobkaasna aad baa loo soo dhaweeyey”.

Wasiir Caddani mar uu ka hadlaayey lacag ay Wasaaradda Warfaafintu soo xaraysay ayaa yidhi “Lacag afar boqol oo kun oo dolar ku dhaw oo Wasaaradda soo gasha, ayaanu dib ugu celinay Wasaaradda Maaliyaddii, waana markii ugu horeeysay ee taariikhda,sannadkana waxaan u maleenayaa cida qudha ee Wasaaraddaha lacag celisay inay Wasaaradda Warfaafinta oo qudha tahay,  Soolarkii baa noo socda, dhisme cusub baa noo socda, boqol iyo konton kun, waxaanu ka sameeynay lacagta Santalaydhka, taariikhdu wey is qori doontaa, laakiin saddexdaas Wasaaradood ee aan joogay, mid walba raadlkaan u sameeyey uu muuqdaa, Dalkan in si cadaaladi ku jirto, oo muwaadinimo ku jirto in loogu shaqeeyo weeye, qolada warfaafintuduna inta badan cid ma amaanan, laakiin waxa la isku raacsan yahay in xaqsoorkii iyo cadaaladii aan u sameeyey inay igu amaaneen, kana marag kaceen waxaan u qabtay,”.

Wasiir Caddani mar aanu wax ka weydiinay inuu filayo inuu ku jiro Xukuumadda Muuse Biixi iyo in kale ayaa yidhi “Madaxweynaha ayey taasi ku xidhan tahay”

Mar uu ka hadlaayey Madaxweynayaashii dalka soo maray ayaa yidhi“Daahir Rayaale Kaahin oo ah Madaxweynihii uu taladda dalka uga dambeeyey Madaxweyne Axmed Siillaanyo uu jooga, labadii Madaxweyne ee dhintay mooye ALLE jannadii ha ka waraabiye, Saddexdii Madaxweyne ee taladda dalka iskaga dambeeyey wey wada joogaan, taasina waxay ku tusaysa horumarka iyo sida ay umadda Somaliland iskugu kalsoon tahay, in Saddexda Madaxweyne ee taladda dalka iskaga dambeeyey ay Munaasibadda xil wareejinta ay wada joogaan Somaliland waa u sharaf”

Mar uu ka hadlaayey xilka wareejinta beri ayaa yidhi“Madaxweynuhu wuxuu wareejinayaa dal horumaray, oo sidii uu ugu yimid ka balaadhan, haddii ay tahay Wasaaraddihii dalka, oo si casriya loo dhisay haddii ay tahay Waddooyinka dalka,oo Waddada Ceerigaabo  ugu weyn tahay, wuxuu wareejinayaa  Dekadda Berbera, oo imika anfaceeda la arko,wuxuu wareejinayaa Madaaro si caalamiya loo dhisay, gaar ahaan Madaarka Cigaal ee Hargeysa oo si caqiibo leh loo dhisay, qorshuna ahaa in kuwa kalena la dhiso, Madaarkii Burcana socdo, wuxuu wareejinayaa Wasaaraddo wada kobcay, wuxuu wareejinayaa Waxbarashadii oo wada gaadhay dalka, wuxuu wareejinayaa Ciidankii qaranka oo dhisan, haddii ay yihiin Ciidan Boolis, Ciidan Asluub, Ciidan Milatari iyo Ciidan Bad, Ciidadamadaas oo Darajooyin kala leh, oo maanta sareeye guuto iyo askariga waa la kala garanayaa, horena looma kala garan jirin, wuxuu wareejinayaa dal dhan oo Somaliland ah, oo wuxuu tagay ilaa Laas-qoray, oo aan hore loo tagi jirin, wuxuu tagay dhul aan hore loo tagin, oo ah ilaa Qardho tusheeda, wuxuu wareejinayaa Khatumo oo maanta Somaliland ka mid ah, sida uu dalka ugu yimid Madaxweyne Siillaanyo maanta uu ka balaadhan yahay, dhinaca Siyaasada Arrimaha Dibadda horumar balaadhan baynu ka gaadhnay, wali Ictiraaf maynu helin, laakiin waa lagu dhaw yahay, maanta Adduunka oo dhan Somaliland waa laga yaqaana, Madaxweyne Siillaanyo wuxuu wareejinayaa taladda dalka isagoo Doorasho xor iyo xalaal ah qabtay, oo si nabadgalyo ah inoogu dhacday, iyadoo Adduunka oo dhana inoogu hambalyeynayaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here