Wasiirka Warfaafinta Oo Hakiyey Barnaamijka Bandhig-Hibeedka, Maareeyaha Telefishanka Qaranka Oo Ka Jawaabay Iyo Khilaafkoodii Oo Soo Noolaaday

0
527

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa hakiyay barnaamij magaciisa la yidhaahdo Bandhig-Hibeedka oo dhawaan laga bilaabay telefishanka qaranka, isagoo sheegay in barnaamijku bilowgiiba maamul xumaystay.

Wasiir cukuse ayaa qoraal uu shalay u diray guddiga hagaysay barnaamijkaas, tifaftiraha telefishanka, madax qaybeedyada Telefishanka iyo madaxa barnaamijyada Telefishanka wuxuu ku amray in barnaamijka la hakiyo intii muddo ah islamarkaana aanu ka bixi Karin telefishanka. Hase yeeshe Maareeyaha Telefishanka qaranka Md. Khadar Xasan Cali-Gaas ayaa isna qoraal uu shalay u kala diray guddiga barnaamijka hagaysa, titifaftiraha Telefishankam, madaxa barnaamijyada, madax qaybeedyada Telefishanka iyo agaasimaha farsamada ee wasaaradda wuxuu ku amray in la sii daayo barnaamijkaas uu wasiirku joojiyay isagoo amray in barnaamijyada duuban sidooda loo sii daayo, isagoo xusay in wixii dambena la isla eegi doono, waxaanu nuqul ogaysiin ah qoraalkiisa u siiyay wasiirka warfaafinta.

Warqada Wasiirka

Warqada wasiir cukuse oo ku taariikhaysnayd 14/02/2015, ayaa u dhignayd sidan, “ Ujeedo: Hakin Barnaamijka bandhig hibeedka. Sidaad la socotaan Barnaamijkan oo qiime weyn ku fadhiya, waxa so baxay inuu maamul xumaystay bilowgiiba.

cukuse-iyo-khadarSidaa awgeed, si qalooca maamul looga saaro oo loo toosiyo, waxa la idin farayaa in barnaamijka la hakiyo intii muddo ah, kamana bixi karo Telefishanka qaranka, inta ay hawshaas loo hakiyay dhammaanayso.”

Warqada Maareeyaha

Hase yeeshe wakhti yar ka dib amarka wasiirka, waxa isna qoraal kale oo u muuqda burin amarka wasiirka soo saarya maareeyaha Telefishanka qaranka Md. Khadar Xasan Cali-Gaas, oo yidhi, “Ujeedo: Sii dayn barnaamijka bandhig hibeedka. Tixraac warqada sumadeedu tahay WWW/XW/135/02/2015, sida aynu la socono barnaamijka bandhig hibeedku waa barnaamij ku cusub telefishanka qaranka islamarkaana ay si weyn ugu soo xidhmeen dadweyne badani ahmiyad weyna ugu fadhiya mujtamaca dhallinyarada reer Somaliland ee jecel fanka iyo suugaanta.

Sidaas daraadeed waxaan idin farayaa inaad tixgelisaan qoraalka wasiirka balse aad u madaxbanaan tihiin dejinta barnaamijyada idinka la idinkala xisaabtamayo.

Haddaba wixii barnaamij ah ee duuban waa in sidiisa loo sii daayo, wixii dambena waa la isla eegi doonaa.”

Labadan qoraal ayaa u muuqda kuwo muujinaya inuu mar kale soo noolaaday khilaafkii mudada dheer u dhexeeyay Wasiirka warfaafinta iyo maareeyaha telefishanka qaranka oo muddo kooban suursanaa.

Gunaanad

Ka sokow khilaafka labada masuul, barnaamijkan ayaa sida ay labadooduba qoraalkooda ku qireen ah barnaamij soo jiitay dadweyne badan oo soo bandhigay hibooyin kala duwan oo ay leeyihiin, waxaana ku soo xidhmay dad badan oo xiisaynaya, waxaana guddi ka ah odayaal caanka ah Somaliland. Khilaafka labada masuul oo in badan soo noqnoqday ayaa u muuqda inaan weli xal rasmi ah loo helin.