Wasiirka Shaqada Oo Soo Jeediyey In La Ilaaliyo Xuquuqda Shaqaalaha Rayidka Somaliland

0
573

shaqadaHargeysa (Geeska)- Wasiirka wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamuud Axmed Barre,  ayaa cadeeyey in wasaaradiisu aanay siin ogolaansho vise  ajaanibka dibeddaha ka keenaan hay’aduhu hadii shaqadiisa uu qaban karo muwaadin dalka jooga.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa u soo jeediyey ganacsatada iyo loo-shaqeeyayaasha dhamaantood inay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha u shaqeeya, isla markaana labada dhinac wada galaan heshiis dhinac walba xaqiisa ilaalinaya.

Wasiir Barre, oo ka hadlayey maalinta xuquuqal-insaanka caalamka ayaa sheegay in dhibaatada shaqaalaha rayidka ah soo gaadha ku timaado jiritaan la’aanta heshiis ay wada galaan loo-shaqeeyana, sharciguna dhigayo inay heshiis wada galaan, “Shaqaalahu xuquuq bay leeyahiin,Qofka shaqaalaha ah iyo Loo-shaqeeyahu waa inay heshiis wada galaan, oo xuquuqda shaqaalaha ay dhowraan ganacsatadu iyo loo-shaqeeyayaashu.”

Wasiirka ayaa cadeeyey in shaqaale badan oo ajaanib ah kana diiwaangashanayn wasaaradiisa ay dalka ka shaqeeyaan sida jaamacadaha, dhakhtarada, iwm, dhowaana ay bilaabi doonaan diiwaangelintooda, si xuquuqda ay leeyahiin u ilaaliyaan, iyagana xaqa lagu leeyahay u bixiyaan, “Dhowaan waxaan bilaabi doonaa diiwaangelinta ajaanibka ka shaqeysta dalka, si xuquuqdooda loo ilaaliyo, iyagana xaqa lagu leeyahay u bixiyaan,”

Wasiirka Shaqada ayaa sheegay inaanay wasaaradiisu ogolaanshaha vise siinin shaqaalaha ajaanibka ee hay’adaha dalka ka shaqeeyaa dibedda ka keenaan, hadii shaqada loo keenayo ay jiraan muwaadiniin reer Somaliland ah oo qaban kara, “Shaqaalaha hay’adaha gargaarku dibedda ka keenaan ma siino ogolaansho vise hadii shaqada loo keenayo ay jiraan muwaadiniin reer Somaliland ah oo qaban kara.”