Komishanka Maamul Wanaagga Oo Warbixin Ku Saabsan La Dagaalanka Musuqa Soo Saaray

0
569

wanagHargeysa(Geeska)-Iyadoo Axadii doraad ay  ku beeganayd  maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa Somaliland dhankeeda Kommishanka Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa waxuu maanta ka warbixiyey waxqabad sanadeedkii xafiiskaasi ee sanadka 2012.

Gudoomiyha Komishinka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumud Madar oo uu weheliyo Gud/xigeenkiisa Xuseen Cabdilaahi Jaamac ayaa warbaahinta ugu waramay xarubta guud ee komishankaasi ee magaalada Hargaysa.

Gudoomiye Xigeenka Komishankaasi oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in musuqmaasuqu yahay aafo dhaqaale iyo mid dhaqan loona baahan yahay in wax muuqda laga qabto, isagoo intaasi ku daray in musuqmaasuqu uu geli karo habka shaqaalaynta iyo ku takrifal awoodeed.

Axmed Muxumed Madar, oo ugu horeyn warbixin ka bixiyey hawlahii ay qabteen ayaa yidhi “Muddadii sannadkan waxaannu samaynay baadhitaanno dhawr meelood oo laga soo sheegay inay wax-iswaydaarin amma musuqmaasuq ka dhacay oo ay ka mid yihiin raashinkii mucaawanada ahaa ee la leexsaday, gaadiid ay lahayd Wasaaradda Caafimaadku oo la doonayey in si aan sharciga waafaqsanayn loo iibiyo, haamo Wasaaradda Kalluumaysigu lahayd oo Berbera yaallay oo la yidhi waxa laga qaaday Berbera oo waxa lagu wareejiyey cid kale. Baadhitaannada aannu meelahaasi ku samaynay oo aannu ku waraysay dhammaan cidii bixisay iyo cidii la yidhi waa la siiyey ama ku lug lahayd, waxaannuna macluumaadkii aannu ka helnay ka diyaarinnay warbixin aannu u gudbinay ciddii ay khusaynaysay.”

Gudoomiyaha Komishinka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar ayaa faahfaahin ka bixiyey musuqmaasuqa oo uu ku tilmaamay aafo ciddii ay ku dhacdo dhaxalsiisa dib u dhac dhinacyo badan ah. Halka sidoo kale uu sheegay in xafiiskiisu shaqaynayey muddo labo sano ah, isagoo ka dhashay ballanqaadkii xisbiga Kulmiye yagleelidiisuna ay tahay mid ka turjumaysa in balanqaadkaasi laga dhabeeyey.

Gudoomiye Madar oo ka hadlay talaabooyinkii ay xafiis ahaan qaadeen mudadaas labada sano ahayd ayaa sheegay in hawlgaladii la sameeyey ay saameeyeen wasaarado kala duwan sida waaxda gaadiidka ee wasaaradda caafimaadka, mas’uuliyiin xukuumadda ka tirsanaa oo lagu eedeeyey raashin macaawimo ahaa oo la leexsaday iyo wasaaradda kalluumaysiga oo labo haamood oo kalluunka lagu kaydiyo ka soo qaaday berbera ku lug yeelatay, iyo hawlwadeenada kumishinka oo kormeero ku samaynayey doorashadii golaha deegaanka ee dhowaan dalka ka qabsoontay. xilli uu gudoomiyahu sheegay in shaqaale kala duwan la siiyey tababaro ku saabsan la dagaalanka musuqmaasuqa.

Gudoomiyaha Komiishanka Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa sheegay in foolaxumadii doorashada masuuliyadeeda leeyahiin Xisbiyada/Ururada iyo shacabka oo wada ogolaaday in diiwaangelin la’aan lagu galo, “Waynu garan karnaa meel aan diiwaangelin lahayn oo waynu is ognahaye maanta xisbiyada iyo ururrada inoo samaysmay iyo nidaamka aynu ku soo saarnay murrashaxiintaba waxba yaan afka laga dhawrine waa beelo oo reero iyo qoysas ayeynu ku soo sharraxnay, markaa waxaynu heshiis ku ahayn in qof waliba qofka uu soo sharraxay soo saaro oo uu ka mid noqdo tusaale ahaan 25-ka xubnood ee Golaha Degaanka Hargeysa ama degmooyinka kale, markaa tuur iyo tirbiico wuxuu isku yeelo qof waliba rag iyo dumarba waxa ka go’nayd inuu soo saaro ninkiisa, markaa wixii ka soo baxay runtii wuxuu ahaa wax aynu ku talogalnay bulsho ahaan, waxaannan leeyahay doorashadani waa tii innoogu foosha xumayd ee ina soo marta intii aynu doorashooyinka soo galaynay.”