Guddiga Barnaamijka Dimuqraadiyadaynta Somaliland Oo War-Murtiyeed Soo Saaray

0
511

Nayrobi(Geeska)-Guddiga isku dubaridka Banraamijka Dimuqraadiyadaynta Somaliland ee uu fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa cambaareeyay rabshadihii dhawaan ka dhacay Hargeysa, waxaanay soo jeediyeen inaan guulaha Somaliland la waxyeelayn.

Guddigaas oo ka kooban dalalka (Denmark), EU, Sweden, Norway, USAID, UK iyo Switzerland, ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saareen shalay magaalada Nayrobi, waxay ku yidhaahdeen sidan:    “Deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee barnaamijka dimoqraadiyada Somaliland waxay dhaleecaynayaan  shaqaaqadii saamaysay Hargeysa ka dib natiijadii doorashada dawladaha hoose waxayna tacsi u dirayaan qoysaskii iyo dhibanayaashii ay saamaysay dhacdadaasi.  Waxaanu u soo jeedinaynaa dadka reer Somaliland inay ilaashadaan nabada ay sida adag ugu guulaysteen ayna tixgeliyaan hanaanka dimoqraadiyadda.

Hadaanu nahay saaxiibada caalamiga ah ee taageera geedi socodka doorashooyinka iyo Hay’adaha doorashooyinkaba, waxaanu ku kalsoonahay talaabada ay qaadeen guddiga doorashooyinka qaranku si ay u ilaaliyaan sharafta doorashada. Meelaha ay ka jiraan cabashooyin ku saabsan natiijada goobaha codbixintu, waxaa lagu xalin karaa iyadoo loo maro sifaha sharciga ah ee la isla qeexay. Sidaa darteed, dhamaan daneeyayaasha siyaasada—hadday guulaysteen iyo haday guul daraysteenba—waxay masuul ka yihiin inay taageeraan guud ahaanba karaamada hanaanka doorashooyinka. Horumarka dimuqraadiyadeed ee Soomaliland waa inaan khatar la gelin tiiyoo la qaadacayo natiijada doorashada si aan ka fiirsi lahayn.

Gudiga isku dubaridka Barnaamijka Dimuqraadiyadda oo ka kooban Danida (Denmark), EU, Sweden, Norway, USAID, UK iyo Switzerland.”