Wasiirka Qorshaynta Xasan Gaafaadhi Oo Ka Hadlay Qoondada SDF Ee La Soo Bandhigay

0
1005

 

Berbera(Geeska)-Wasiirka qorshaynta Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa sheegay shax laga baahiyay sanduuqa horumarka Somaliland ee SDF inay khal khal abuurtay.

Waxa uu wasiirku sheegay in aan wali la gaadhin  ansixinta shaxda ugu danbaysa ee sanduuqa SDF isla markaasna qaybtii ugu horaysay haatan uun la ogolaaday qaybo ka mid ahna aan wali qabyo qoraalkeedii laba keenin.

Wasiir Xasan Gaafaadhi ayaa sidan ka sheegay Berbera isaga oo warbaahinta kula hadlaayay “ Waxa ilaa shalay maraayay baraha bulshada shax inan wariye ah uu soo dhigay oo tilmaamayay sida loo qaybiyay mashruuca SDF ama mashruuca horumarinta Somaliland  oo uu ku shaxeeyay gobalada iyo mid waliba intuu ka helay, waxaanu umadda iyo shacabka Somaliland aanu u sheegaynaa  arinkaasi mid ay wax ka jiraan maaha, arin sal iyo baar toona leh maaha mid ay dadka gacanta ku hayaa ay ka jawaabi karayaan maaha iyada oo aan ilaa hadadaa shax rasmi ah laba hayn, waayo mashruucii waxna way ku jiraan qabyo qoraal, waxna wali lamaba qorin, waxna waa la oglaaday intaas oo marxaladood ayuu isugu jiraa, ilaa hada wax la garan karaa dhawrka mashruuc ee la ogolaaday, laakiin waxii kale oo dhan waa wax qaydhin oo gacan uur ku jirta ah wax la ansixin doono iyo waxaan la ansixin doonin alle ayaa og, ninka shaxdaas soo dhigay khalkhal iyo been abuur balaadhan ayuu gaystay, dacaayad iyo war aan jirin waxaanay tahay inuu isagu ka jawaabo meeshii uu ka keenay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here