Culimada Boorama Oo badhasaabka Gobalkaas Ku Eedeeyay Inuu Diinta Caayay 

0
610

 

 

Boorama(Geeska)-Qaar ka mid ah Culimada Boorama ayaa khudbadii Jimcaha ku soo qaatay in badhasaabka gobalkaasi uu diinta caayay isla markaasna ay ugu baaqayaan inuu dib u soo islaamo, waxaanay madaxweynaha iyo wasiirka arimaha gudaha ay ku canaanteen in hogaamiye gobalkaas ay uga dhigeen ruux aan diinta ku fiicnayan.

Sheekh Maxamed Siciid Saaweer oo ugu horayntii masaajidka uu ka jeediyo khudbada jimcaha ka hadlaayay waxa uu yidhi “ Dawaladu waa inay wax ka qabato ninka diinta caayay hadduu madax yahay haduu askari yahay , haduu cid kasta yahay waa in wax laga qabto oo la sheego, maaha in lays xanto qofku haduu alle iyo rasulkiisa caayo waa la dilayaa  waa reer hebelnimo yaa loo dhimanayaa  kuwa suuqa ku caayaya ee tolkeen ah maxaa wax looga qaban waayay, miyaad aragtay qof diinta lagu dhirbaaxay, diinta ma sidaas ayaynu ku daynaa.  Madaxweynuuna waa inuu dadka dhanka cibaadada ku doorto oo aan reer  hebelnimo  la eegin oo waa in la eegaa qof dhaqan fiican leh oo umadda masuul ka noqda, umaddu masuul wanaagsan ayay u baahantahay  nin lagu daydo ayay u baahan tahay nin umadda la tukada ayay u baahan tahay oo jamaca soo dhexgala oo safka hore ku tukada oo umadda wax u sheega oo ay ku dayato.”

Sheekh Xasan Deheeye ayaa dhankiisa isaguna khudbadii jimcaha waxa uu kaga hadlay isla dhacdadan  “Madaxweyne Muuse Biixi waxa laga rabaa inuu maanta misaajidka ugu weyn Hargeysa uu ka khudbadeeyo oo isagu dadka uu hoogaamiyo oo khadiib uu noqdo sidii Cumar Binu Khadaab ilaa madaxdii muslimiinta  waayo ninka muslimiinta xukumaaya iimaam ayaa la yidhaahdaa, wax la hogaamiyo salaada ayaa ugu wanaagsan waa inuu salaadooda hogaamiyaa  oo toosiyaa,badhasaab kastana waxa laga rabaa inuu isna gobalka loo diray in sidaas u hogamaiyo oo diinta ku hogaamiyo oo khudbadeeyo oo tujiyo,kumaa  maanta ina tujin ma ka diinta caayaya ma ka alle caayaya  ma ka malaa’igta caayaya, shalay anigoo jooga hudheelka Rays la yidhaahdo wax layaab leh ayaan maqlay qofkii xaadirka ahaana ma ihi ee joogay meel lagu shiraayay ayaa shalay waxa lay sheegayay oo hoolalka ah ninka gobalkan haystaa inuu diinta caayay oo alle uu caayay,anigu isaga canaanan maayo ee kuwa soo magacaabay ee sidaas raali ka ah inuu diinta caayo,  waa gaal ninkaasi ee waa inuu dib u ashahaataa  xukunkiisuna waa in la dilo, aniga ayaa dilaaya ma lihi ee shareecada ayaa dilaysa.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here