Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Beeniyay Inuu Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Warqad Is Casilaad Ah

0
499

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka qorshaynta qaranka iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa beeniyay inuu Madaxweyne Biixi u gudbiyay warqad iscasilaad ah oo uu ku dalbanayo inuu shaqada wasiirnimo ka fadhiisto.

Qoraalo kala duwan oo shalay aad loogu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegayay in Wasiir Gaafaadhi uu Madaxweyne Biixi u gudbiyay warqad istiqaalad ah. Hase yeeshee Wasiir Gaafaadhi ayaa qoraal kooban oo uu xalay ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu ku beeniyay jiritaanka warkan, waxaanu yidhi “Dadka beentan iyo xasarradan wareejinaya tolow yaa u warrama. Dadkii goormaa ladoorshay oo beenta ka doorbideen runta. Inta caqligu ku hadhsanyahay waxan u sheegayaa inaan waxba ka jirin arrinkan ayaamahan la wareejinayay, kolley dadkii waalli u badaye.”

Wasiir Gaafaadhi ayaa ka mid ah wasiiro gobalka Sanaag u jooga hawlo shaqo.