Hargeysa (Geeska)- Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga, Dr, Sacad Cali Shire ayaa cadeeyey in mashaariic laga fulinayo dhaqaale gaadhaya $52 Milyan ee Ingiriiska iyo Denmark bixiyeen bilaabi doonaan bisha saddexaad 2013.
Dr, Sacad Cali Shire ayaa sheegay inaanu ogeyn isbedel hay’adaha gargaarka Somaliland jooga ku samaynayaan shaqaalahooda, tahayna mid ku xidhan Hay’adaha oo sharci u diidaya aanu jirin goobta ay gaynayaan. Wuxuu arrimahaas kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu Geeska Afrikala yeeshay.
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay inaan dib u eegida hawlaha Qaramada Midoobay waxba ka bedeli doonin mashaarciidii Qaramada midoobay hay’adaheedu ka wadeen ama siin jireen Somaliland. Innagu xaalad degdega kuma jirno, sida Soomaaliya, shaqo abuur, horumar iyo dhisme ayaan u baahan nahay. Waxaanu wareysigii Geeska Afrika la yeeshay wasiirku u dhacay sidan:
Maxaad kala socotaa warar sheegayey in muwaadiniinta ka shaqeeya hay’adaha gargaarka ee Somaliland jooga loo wareejin doono Muqdisho, halka kuwa Muqdisho-na iman doonaan Somaliland?
Hay’aduhu halka ay doonaan ayey shaqaalahooda ugu diri karaan shaqo, ama ha noqoto Itoobiya, ama Kenya ama meel kale, oo sharci u diidaya ma jiro, markaa innagu waxaan eegaynaa keliya qofku sharciga ma jebiyey,laakiin, isku-bedel aan u war-hayo ama ay igu wargeliyeen hay’aduhu ma jiro.
Maadama Ergeyga QM, Mahiga sheegay inay dib u eegis ku samayn doonaan hawlahooda, mashaariicdoodu ku salaysnaan doonto baahiyaadka Soomaliya ee dhisitaanka nabada, Somaliland-na dhaaftay heerkaa oo mashaariic horumarin doonayso, maxay noqon doontaa hawlaha hay’adaha QM ee Somaliland jooga?
Soomaaliya maanta waxay marayaan xaalad degdeg ah iyo soo kabasho, Somaliland-na waxay maraysaa xaalad horumarineed, oo baahideenu way kala duwan tahay, markaa dib u eegida hawlaha Qaramada Midoobay waxba ka bedeli mayso mashaarciidii Qaramada Midoobay hay’adaheedu wadeen ama siiyaan Somaliland. Innagu gargaar cunto uma baahnin, iyo dawo degdeg ah, dabcan dawooyinka cusbitaalada way innaga caawiyaan. Waxii la xidhiidha shaqo abuur, horumar iyo dhisme ayaan u baahan nahay, oo ka rajeynaynaa.
Dhowaan waxaad sheegtay in qorshahii shanta sanno dhaqaalahii loo baahnaa sannadkan aanu buuxsamin, sababo ha’yadaha caalamiga awgeed, arrinkaa ma kala hadasheen madaxda hay’adaha Qaadhaan-bixiyeyaasha?
Ugu horeyn innaga (Somaliland) ayaa ku qoranay qorshaheena dhaqaalaha aynu ka filayno hay’adaha, laakiin, muu ahayn wax heshiis Hay’adaha aynu kula galay. Qorshahaa deeqdii la inna siin jiray oo ka badinay ayaan ku salaynay. Deeq way inna siiyeen hay’aduhu, laakiin intaan filaynay ayey ka yartahay. Shir aan la yeelanay xidhiidhka sare ee isku-duwida mucaawinada oo qeyb ka yihiin wadamada deeq-bixiyeyaasha, hay’adaha samo-falka iyo Qaramada Midoobay waan kala hadalnay, welina sannadkii ma dhamaan, waxay inna siiyaan iyo waxii aanu ugu talogalay ayaan dhamaadka sannadka isku eegi doonaa. Waa laga yaabaa inay bilaha sannadka ka hadhay soo badiyaan waxa ay bixinayaan.
Wasiir, miyaan, hay’adaha gargaarku qeyb ka ahayn markii Somaliland loo sameynayey qorshaha shanta sannadood, isla markaana loo fasiran Karin inay ballankii innaga baxeen?
Runtii, sidaa lama odhan karo, waxay deeq inna siinayeen ilaa markii Somaliland xornimada la soo noqotay, ha yaraato ama ha badnaatee. Markaa waxaan ku xisaabtanay deeqdii ay inna siin jireen 2010-kii, 2009, iyo 2008-kii, innagaa halkaa qorshaheena odoroskiisa ku salaynay, runtii intaan filaynay kamaanu helin ee innagu qoondaysanay, balse muu ahayn wax aan heshiis kala galay. Waa sannadkii koowaad, waa laga yaabaa, waanan rajeynaynaa inay sannadaha soo socda innoga badiyaan, laakiin, immika waxay ka yar tahay intaan ku talo-galay.
Halkuu marayaa sanduuqii dhaqaalaha ee wadamada Ingiriiska iyo Denmark wadeen, weli ma bilaabmeen mashaariicdii lagu fulinayey, ila awakhtigan imisa ayey ku shubeen?
Mashaariicdii sanduuqaa dhaqaalaha lagu maalgelin lahaa dib ayuu u yara dhacay, oo hore bisha November, ayaa la filayey, imika waxaa la filayaa inay bisha saddexaad bilaabmaan, oo sanduuqa dhaqaalahiisa shirkadii maamuli lahayd ayaan weli la dooran. Lacagta la inoo qoondeeyey mudo afar sannadood ah waa $52 milyan.
Shirkada maamulaysa ma mid ajaanib ah baa, maxaa diiday in Somaliland maamusho?
Shirkad ajaanib ah ayaa maamulaysa oo lacagta haynaysa, innaguna waxii aynu doonayno ayaan codsanaynaa, haddaan ceelal doonayno, haddaan iskuulo doonayno, haddaan jidad doonayno. Shirkadaa ayaa gacanta ku haynaysa ilaa Somaliland lagu soo wareejinayo, taasoo ku xidhnaan doonta hadba sida maamul-wanaageenu noqdo. Marka maamul-wanaageenu kordhaba, in ka mid ah dhaqaalahaa ayaa Somaliland u madaxbanaan doontaa maamulkeeda, ilaa gebi ahaanba lagu soo wada wareejiyo Somaliland.
S: Sanduuqa dhaqaalahu ma afartaa sannadood keliya ayuu soconayaa, mise?
Maya, wuu sii soconayaa, weliba waxaan filaynaa in wadamo kale ku soo biiraan oo dhaqaale sanduuqa ku soo shubaan. Imika lacagta la inoo qoondeeyey labaatan milyan waxa bixinaysa wadanka Denmark, iyo laba iyo soddon milyan oo Ingiriisku bixinayo.
Mashaariicaha sanduuqa lagu fulinayo yaa dooranaya?
innaga (Somaliland) ayaa leh doorashada hadba mashaariicda aan u baahan nahay inaan qabsano ee muhiimada inoo leh, iyaguna (shirkada mamaulaysa) waxay innaga eegayaan farsamadii mashaariicdaa u fuleen.