Maxkamada Sare Oo Kulan Lagu Qiimaynaayo Maxkamadaha Wareega U Furtay Maxkamadaha

0
675

maxkmadaBurco(Geeska)-Maxkamadda sare  ayaa kulan lagu qiimaynaayo hawlaha shaqo ee Maxkamadaha wareega  magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer  u furtay maamuladda iyo hawlwadeenadda Maxkamadaha Somaliland .

 

 Kulankan shalay furmay oo socon doona muddo shan maalmood ah oo ay wada jir isoo qabanqaabiyeen maxkamadda sare iyo Hay’adda UNDP, waxa ka qayb galay in ka badan boqol qof oo kala socday laamaha maxkamadaha ,xeerilaalinta oo uu wehelinaayay Guddoomiyaha maxkamadaha sare Somaliland, Hay’adda UNDP oo geesta kale lagu soo bandhigi-doono caqabadaha ka horyimaada maxkamadaha wareega  ayaa lagu qabtay Hoteelka City Plaza ee magaaladda Burco.. “ Waxaynu maanta iskugu nimi kulankan in aynu dib u eegno hawshii maxkamadaha wareega oo macnahoodu ahaa in cadaalada loo dhaweeyay dadweynaha oo in mudo ah soosocday si loo ogaado maxaa inoo qabsoomay ,maxaa inaga dhiman ,maxaa caqabado ah ee inaga hor-yimi ,maxaa saxitaan u baahan sidaa awgeed inakoo fulinayna adeega hay’adaha garsoorku ay u hayaan bulshada oo ah in sharciga iyo ku dhaqankiisa la hirgaliyo  inakoo ka duulayna balanqaadkii Xukuumadda ,markaa maanta kulankan waxa laydinka doonayaa in aad soo bandhigtaan mashruucani maxkamadaha wareegaa mudadii uu socday waxyaabaha faa’idada leh ee uu soo kordhiyay ,dadweynuhu waxa uu ka dareemay iyo caqabadaha ku gadaaman  “ Sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo kulankaasi ka hadlaayay.

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu usoo jeediyay maamulada iyo hawlwadeenada maxakamada in ay bulshada dhex u ahaadaan isla mrkaana cadaalada ilaaliyaan ,hay’adaha dawladana la shaqeeyaan .

Sidoo kale Cabdixakiim Maxamed Cabdi oo isna ka socday hay’adda UNDP qaybteeda  mashruuca cadaalada oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay kulankan lagu qiimaynaayay maxkamadaha wareega iyo hawlaha ay fuliyaan . “ Sida aad ka warhaysaan mashruucan loo yaqaano (Mobile Court ) ama maxkamadaha wareega oo ay bahda garsoorka iyo cadaalada kala shaqayso  hay’adda UNDP  ,fariinta aan maanta idiin sheegayaa waxay tahay marka  lagu taageero waxa loo baahanyahay in  lagu arko oo aad isbedel keento oo ujeedadii lagugu taageeray halkeedii gaadho ,markaa waxaan idiin soo jeedinayaa aynu awooda saar-no sidii aynu u gaadhi lahayd ujeedadeena “ Sidaasi ayuu Cabdixakiim hadalkiisa kaga baxay .

Waxa kale oo ina halkaasi ka hadlay oo u mahad-naqay dadkii kulankaasi ka soo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare Yaasiin Xasan Ismaaciil.