Wasiirka Maaliyadda Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Cusub Ee Dugsiga Sare Ee Ilays New Hargaysa

0
614

dhagax2Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Maaliyada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa dhagax dhigay , qayb Cusub oo Lagu kordhiyay Dugsiga Sare ee Ilays oo ku yaala Bariga Magaalada Hargaysa,

Munaasibadii dhagax dhigga oo shalay ka qabsoontay, ayaa waxa kale oo goob joog ka ahaa guddoomiyaha hay’adda Masno Dr. Maxamed Xasan Xaashi, oo ah  hay’adda fulinaysa mashruucan oo uu maalgeliyay baanka Islaamku. Wasiir Samaale, oo dhagax dhiggaas hadal kooban ka jeediyay ayaa bogaadiyay hay’adda Masno,“ Toban Sanadood ka hor ayay ahayd markii aan dhagax dhignay Dugsiga Sare ee Ilays kaas oo hadda u baahday in la kordhiyo, kan maantuna waa midhihii uu dhalay dugsigaasi taasi waa wax Illaahay loogu mahad noqo.”

Waxa Kale oo Isna Halkaas Ka hadlay Madaxa Hay’adda Masno Foundation, Dr Maxamed Xasan Xaashi oo ah hay’adda Fulinaysa Mashruuca waxa uu halkaas uga mahad naqay Islamic Development Bank oo Maal galisay Mashruuca waxana uu yidhi, “ Maaha Markii ugu horaysay ee ay Bangiga Horumarinta Islaamku wax la qabtaan Hay’adda Masno ee waxay hore waxbarasho jaamacadeed u fidin jireen ardayda kaalmaha hore ka gala ardayda dhammaysata waxbarashada Dugsiga Sare ee Ilays oo ay ku kala diraan wadamada dibada sida Urdun, Maleesiya, Bakistan iyo wadamo kale oo ka tirsan Caalamka Islaamka .”

Maxamed Faarax Buux oo ah Madaxii Hore ee Hay’adda Masno  oo isna halkaas ka hadlay ayaa u muhadnaqay Madaxda Isaga ka dambaysay siday hawsha u sii wadaan waxana uu yidhi “ Waxaan ku farax sanahay Maanta Halka ay Masno Marayso iyo Dugsiyada ay Maamusho oo ah kuwo ummada Waxtar la taaban karo u leh”

Sidoo kale waxa Isna ka waramay Madaxa Waxbarashada Masno Sh Cabdiraxmaan Ismaaciil Maxamed ( Khayre ) oo aad ugu sheekeeyay Hawsha waxbarasha ee ay hayaan iyo tirada dugsiyada Masno iyo gobalada ay ka furanyihiin , waxa uu halkaan uga mahad naqay Bankiga Horumarinta Islaamka sida uu hawshaas ugu garab taagan yahay.

Ugu dambayn Waxa hadalka qaatay Mas’uul ka tirsan Shirkada Daryeel Cabdiqaadir Aw Faarax oo ah shirkada qandaraaska qaadatay waxa uu u mahad naqay Bangiga iyo Masno isaga yidhi “ Waxaan u mahad naqaynaa Bangiga Horumarinta Islaamka iyo Hay’adda Masno oo noo doortay anaga (Daryeel) in aan dhisno dugsigan iyo anaga oo uga mahad naqayna hawsha ay ummada u hayaan waayo? Waxaan ka midnahay bulshada ka faa’iidaysanaysa. Waxa kale oo raaciyay “ waxaan balan qaadaynaa in aan hawshaas sida ugu fiican uga soo bixi doono Inshaa Allah”