Shandado Iyo Shaadh Xabadaha Celiya Oo Loo Sameeyay Carruurta USA

0
653

EDUCATIONAL GAPConnecticut, (Geeska/DMiror)- Shandadaha caruurtu buugaagta ku qaataan oo xabadaha celiya iyo shaadh xabada celiya ayey soo saareen qaar ka tirsan shirkadaha sameeya, ka dib markii dhowaan nin ku laayey dad gaadhayey labaataneeyo caruur u badan dalka Maraykanka.

Shirkada la yidhaahdo Salt Lake City, oo ka mid ah kuwa sameeyey qalabkan ayaa lagu dhaleceeeyey inay faa’iido ka raadinayaan xaalada kacsan ee waalidiinta ka dib dhimashadii 26 qof oo 23 caruur ahaayeen. 

Shirkadan ayaa wakhtigan dhiirigelinaysa iibsiga shandadadahaa oo qiimahoodu gaadhayo  $300 dollar, iyo weliba shaadhadh caruurta le’eg oo xabadaha ka celiya, isla markaana sheegay inay iibiyeen usbuuc gudihii tiro ay saddex bilood gudahood iibin jireen.

Sida shirkadaasi cadeysay shandadahan ayaa awooda joojinta xabadaha qoryaha, sidoo kalena qabood loo adeegsan karo. 'Dhab ahaan, saddex nooc ayey ka kooban yihiin.”

Shirkadahan sameeya aaladaha celiya xabadaha aya asidoo kale sheegay inay diyaariyeen dahaadh xabadaha celiya oo shandad kasta la dhexgelin karo, laakiin loo diyaargaroobo kharashgareynta lacago kale, maadaama, caruurtu si fudud u lumin karaan. 'Caruurta, weligaa ma ogid xilliga ay dibedda uga saari karaan dahaadhkaa, iyagoo aan dib ugu celin.”

Shirkada la yidhaahdo Salt Lake City, oo ka mid ah kuwa sameeyey qalabkan ayaa lagu dhaleceeeyey inay faa’iido ka raadinayaan xaalada kacsan ee waalidiinta ka dib dhimashadii 26 qof oo 23 caruur ahaayeen.