Guddiga Doorashada Oo Ka Jawaabay Eedaha Loogu Jeediyay Waraaqihii Codaynta Ee Suuqa Laga Helay, Xogtii Axmed Dhagax Iyo Isbedelka Codka Faraweyne

0
686

guddigaHargaysa( Geeska )- Gudida doorashooyinka ayaa si adag isaga difaacay eedaymo tiro badan oo ay u soo jeediyeen ururada iyo musharaxiintii ku tartamay doorashadii dalka ka qabsoontay.

Komishanka doorashooyinku waxa uu faahfaahin ka baxiyay khalad ay sheegeen inuu ka dhacay 24 goobood oo hoostaga dagmada Faraweyne iyo waraaqaha codbixinta ee suuqa lagu hayo oo ay sheegeen in lagala baxay sanduuq kamid ah kuwii magaalada Ceerigaabo, waxa sida oo kale ay ka hadleen xogtii cod bixiyayaasha Degmada Axmed Dhagax oo la sheegay in laga waayay xog ururiyaha.

Gudiga komishanka doorashooyinku waxa ay sidan ku sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda. Ugu danbayntiina gudoomiyaha komishanka Ciise Xari ayaa ururda iyo asxbaata u soo jeediyay in aan la qaribin doorashada dalka ka qabsoontay ee laysku haneeyo.

Warsaxaafadeed xubnaha komishanku ay ka hor akhriyeen warbaahinta oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Waxa aanu halkan mahadnaq balaadhan uga soo jeedinaynaa dhamaan bulsho weynta Somaliland ee sida nabadgelyada ah ee quruxda badan uga qayb qaadatay doorashooyinkii inooga qabsoomay dalka 28 Nov 2012, Waana baal kale oo ka mid ah taariikhda milgaha iyo wanaaga leh ee dadkani leeyihiin.Waxa sidaa si la mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranku u mahad-celinaysaa dhamaan hawl-wadeenadii Doorashadan Golaha Deegaanka ee ka hawl-galay goobaha codbixinta, muraaqibiintii xisbiyada ee goobaha, ciidanka amniga.Waxa sidoo kale mahad gaara aan u celinaynaa Komishanka Doorashooyinka Degmooyinka dalka guud ahaan oo natiijooyinka degmooyinka kaga dhawaaqay Natiijada horu-dhaca ah ee degmooyinkii doorashadu ka qabsoontay iyaga oo raacaya xeerka doorashooyinka golaha deegaanka ee Xeer Lr 20/2011. Waxa iyana ammaan mudan dhamaan goobjoogayaashii caalamiga ah kuwaas oo ka marag kacay in doorashadu si wanaagsan u qabsoontay.

Dhinaca kale waxa aynu ogsoonahay dalkan curdinka ah marka loo barbardhigo caalamka ay jireen culays badan kana maqnaayeen qayb ka mid ah kaabayaasha laf-dhabarta u ah doorashooyinka oo ay ka mid yihiin.Iyada oo aanay jirin qofka muwaadinka ah wax lagu aqoonsado, iyada oo aanay jirin wax lagu garto deegaankisa iyo inuu gaadhay da’dii doorashada.Iyada oo aynu ogsoonahay in aanay jirin diiwaangelinta codbixiyayaasha (taas oo la laalay).Inaga oo ogsoon in la furay ururadii oo ay ku tartamayeen axsaabta badan.Inaga oo badalnay hanaankii doorashooyinka Golayaasha Deegaanka aynu hore ugu galnay ee ahaa in xisbiga la doorto, laguna badalay in murashaxa loo codeeyo.Arrimaha kor ku xusan iiyo qaar kale oo jiray awgeed waxa ay ka dhigtay in doorashada aynu galay aad looga walaac qabay sida ay u dhacayso. Allaha weyn awoodiisa iyo xikmadiisana waxa doorashadu inoogu qabsoontay si aad uga wacan waxii laga filaayay.

“ Dhinaca kale waxa jiray in doorasho kasta oo caalamaka laga qabto ay leedahay cid guulaysta iyo cid laga guulaysto. Waxa iyana laga wada dharagsan yahay in todobada xisbi/urur ee tartamayay ay hadhayeen 4 ka mid ah, halka 7 murashax oo kasta ay dhacayeen 6 murashax. Waxa tani ka dhigaysaa tirada murashaxiinta aan guulaysanayn in kor u dhaaftay 2000 (laba kun oo murashax), halka ay soo baxayeen oo kaliya 350 murashax.Cabashooyinka aynu ka filan karno tirada badan ee murashixiinta aan guulaysanayn waxa sharciga dalku u dejiyay hanaan lagu gudbiyo cabashooyinka sida uu dhigayo sharciga dalku iyo heshisyada ay kala saxeexdeen ururada iyo xisbiyadu (code of conduct). Waxaana waajib ah in qiimayn la siiyo Garsoorka Dalka oo ka garnaqa wixii khalad ah, natiijada ka soo baxda.

 Garsoorka Dalkuna waa waajib qaran in lagu kalsoonaado laguna qanco, iyada oo ay mudan tahay in la qiimeeyo shacbi weynaha Somaliland
Iyada oo dariiq xaasaasi ah oo doorasho laga soo baxay oo si wanaagsan inoogu dhamaaday, waxa inta ku lamaanaa eedaymo saxaafada qaar lagu qoray oo ay ka mid ahayd in Xog-doorasho luntay, in Guddida xubno ka mid ah ay is casileen, in Gudida madaxdeedu ay dagaalameen, in natiijada maxkamada loo diray dib loo soo celiyay, kuwaas oo dhamaantood ahaa been aad u fool xun oo lagula kacay si badheedh ah in lagu dhaawaco doorashooyinka, waxaana maanta shacbigu ogaaday in ay ahayd been iyo kicin iyo xumayn loola kasay doorashooyinka iyadoo shacabku aanu ka mutaysan.(Haddii mid faasiq ahi idiin la yimaado War (Warsheeko), iska Hubsada) Aayad Quraan ah.

Haddii ay jiraan cabashooyin xaqiiq ku fadhiya waxa ka garnaqa Garsoorka Dalka. Waxa aanu jecelnahay in aanu idiin xasuusino in Natiijada Degmooyinka Lagaga Dhawaaqaa ay yihiin Natiijooyin Horu-dhac ah, Natiijaduna ay ansaxayso oo kaliya marka Maxkamada gobolku ansixiso. Maxkamadaha Gobolka ee dalkana waxa aanu aad ugu mahadcelinayaa xilkii ay iska saareen hubinta natiijooyinka iyo sida ay uga Go’aan ay ka gaadhayaanba. Waxa aan halkan ka cadaynaynaa in doorashada marka ay dhacday in tabashooyin ay jireen ururada iyo xisbiyadu soo jeedinayeen ay ku koobnayd sanaaduuq kooban oo ka tirsan Degmoyinka dalka qarkood. Max iyana jiray cabashooyin ku saabsan sababta ay uga dhici weyday Degmooyin ka mid ah dalka. Sida sharcigu dhigayo cabashada waa inay ka soo bilaabantaa Goobta codbixinta, sidoo kalana waxa dacwadaha lagu eegayaa Degmada oo ka go’aan gaadhaysa sida xeerka Doorashooyinku Golayaasha Deegaanku Dhigayo Xeer Lr 20/2011.

Geerigaabo: Waxa jirtay cabasho sanduuq ka mid ahaa Degmada Ceerigaabo, oo inta goob la geeyay la ogaaday in aanay goobtiisii lahayn, lagana qaaday subaxnimadii hore ee 28 Nov 2012 oo ahayd maalinta Doorashadu dhacaysay, waxaana sanduuqaa lagala baxay waraaqihii lagu codaynay qayb ka mid ah. Waraaqihii codeynta ee ku hadhay waa lagu soo codeeyay waxaana isla qaatay Komishanka Degmada Ceerigaabo iyo wakiilada xisbiyada in la tiriyo maadaama warqaaha inta kale goobtiisa lagaga soo codeeyay. Warqada hada la tusay ee la sheegay in debada laga helay waa waraaqaha lagala baxsaday sanduuqaa Ceerigaabo ah.

Axmed Dhagax:Degmadan oo ka tirsan Caasimada Hargeysa, lana geliyay magaalada in xog ka luntay ma jiraan haba yaraatee wax xog ah oo ka luntay, waxa la hayaa dhamaan natiijadii ay saxeexeen wakiilada xisbiyada iyo ururada ee degmadan Hargeysa oo Axmed Dhax-na ka mid tahay. Waxa dhacay oo kaliya waa in Kombiyuutarkii lagu guray xogta uu furmi waayay. Taas oo lagu guray xogtii iyada oo laga tixraacayo warqadaha xisbiyada iyo ururadu saxeexeen iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen dhamaan wakiilada xisbiyada iyo ururada.

 Faraweyne:Waxa kaliya Natiijada Komishanka Degmooyinka Dalku kaga dhawaaqeen dib u sax lagu sameeyay Faraweyne oo ka tirsan Degmada Hargeysa, taas oo marka uu soo gaadhay nuqul ka mid natiijada Degmada Hargysa ay ku dhawaaqday Guddida Doorashooyinka Qaranka arkay inay jiraan in goobaha Faraweyne goobuhu labanlaaban yihiin marka loo eego Natiijada ay isla saxeexeen wakiilada xisbiyada iyo hawl-wadeenada Komishanka Degmada Hargeysa, waxa iyada oo sax ah (Natiijadii ay isla saxeexeen Komishanka Degmada & wakiilada xisbiayda/ururada) Komishanka Degmada Hargeysa u gudbiyay Maxkamada Gobolka oo ku dhawaaqday Natiijada Degmada. Waxaana Gudida ku ahayd ceeb inay qariyaan khalad ay

Waxa runtii iyana aan marnaba dhicin horana u dhicin inta waraaqo doorasho la qaado in doox lagu daadiyo waa arrin taariikhda doorasho ee Somaliland aan ka suurogelin codka sanduuq kasta ka soo hoydana waxa isla hubiya oo isla qaata wakiilada xisbiyada iyo ururada iyo hawl-wadeenada Komishanka Degmooyinka.

Degmooyinka aanay ka dhicin:waxa marag ma doon ah in Guddida Doorashooyinka Qaranka si laxaad leh uga hawlgaleen inay ka qabsoonto doorasho deegaamoyinka dalka oo dhan iyagoo wada tashiyo joogtana ahna la samaynaya daneeyayaasha doorashada. Goobaha aanay doorasho ka dhicin waa goobo ay xasilooni daro ay suurogalin wayday inay ka dhacaan sida aad ku maqasheen warbaahinta dalka iyo caalamkaba.”

Intaas kadib gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Ciise Xamari ayaa isaguna war saxaafadeedkaas ku daray “ Waxa kaliya oo aan ku dari lahaa arinka dadka ku taagnaa waxa uu ahaa qaladkii ka dhacay Kumbuyuterka ee ahaa 24 goobood oo Farowyne ah oo ilaa Xaraf soo gaadhay, Kumbuyuterka siday u gashay ayaa ahayd in goob waliba ay laban laabantay 524 ayaa goobta codkooda ka dhiibtay waxaanu qoray 148, markaas 24kaas goobood ayuu codkii laban laab Kumbuterka u galay, markaanu ogaanay qaladkaas dhacayna  waanu qabanay oo waanu saxnay sidii saxda ahaydna waa ay ku gashay xogtii Kumbuyuterkii, madaxdii xisbiyaduna waa ay wada saxeexeen.Goobkasta oo dalka ah ururada iyo xisbiyadu waa ay soo wada saxeexeen  oo waa ay hubiyeen,si dhex dhexaad ah oo cad  ayaa loo xisaabiyay, cid kamaqanina may jirine yaan dadka la jaah wareerin. Hadal iyo dhamaan doorasho wanaagsan ayaa qabsoontay waa laynooga markhaati furay ee ayaan tubteedii laga lumin, natiijadan laftigeeda  markhaatiyaasheedii waa ay wadataa oo goobjoogayaashii caalamiga ah waa ay joogeen qaabka loo waday iyo qaabka loo hayay waa ay ka warhayaan, halaysku  haneeyo oo yaan lagu qaribin doorashdii inoo qabsoontay xagxagasho oo yaan la siyaasadayn.”