Wasiirka Khaarajiga Oo xaqiijiyay Inay Dalka Ku Martiqadeen Danjire Nicholas Kay

0
716

Picture5Hargeysa(Geeska):-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis ayaa xaqiijiyay inay xukuumadda Somaliland ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya ku martiqaaday magaalada caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wargeyska Geeska Afrika, ayaa cadadkiisii shalay qoray xogo diblomaasiyadeed oo uu helay oo sheegaya inuu isbedel ku yimid xidhiidhkii adkaa ee Somaliland iyo Qaramada Midoobay, xukuumaduna ay magaalada Hargeysa ku casuuntay danjire Nicholas Kay, oo Hargeysa iman doona marka uu Madaxweyne Siilaanyo safarka dibadda ah ka soo laabto. Haddaba, Wasiir Biixi ayaa shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, wuxuu ku xaqiijiyay jiritaanka warkaas uu Geeska Afrika baahiyay, "Niklas Kay waxa weeye SRG (Special representative of the Secretary general) halkan mar baa uu yimid,waxaan 12-kii June aan mar kula kulmay London,Waanu wada hadalnay,waana dhab oo waanu soo casuunay oo waxaanu rajaynaynaa in uu yimaado Bisha August ee soo socota 18-keeda ilaa 19-keeda,Marti qaad baanu u fidinay,Nicholas  Kay sida aad la socotaan waxaa uu qaabil sanyahay UN-ka, Haayadaha halkan jooga oo dhamina isaga ayaa ay hoos yimaadaan ama ha ahaadaan kuwa bani Aadanimada ama kuwa dhinaca Horumarka ama ha ahaato dhinaca Siyaasadaba”.Ayuu yidhi Md:Maxamed Biixi Yoonis

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md: Maxamed Biixi Yoonis waxaa uu sida oo kale uu sheegay in u jeedada ay u soo marti qaadeen aanay ahayn mid la xidhiidha arrimo Siyaasadeed ,balse  waxaa uu tibaaxay in ay ka wada hadlayaan sidii ay Haayadaha Qaramada Midoobay ay Somaliland uga caawin lahaayeen arrimo la xidhiidha dhinacyada Horumarka,Jinsiga iyo sida oo kale in tobabaro la siiyo Ciidamada Booliska  Iyo Askarta Jeelasha.

“Arrimaha aanu kala hadlaynaa Maaha arrimo Siyaasad ku lugleh laba xoghaynood ayaa uu leeyahay ninka haysta qaybta horumarinta bani aadamka ee markaa ay Xafiisyadan UNCHEF iyo UNHCR,WFP oo ay UN-Agencies-ka oo dhami ay hoos yimaadaan iyo gabadh Al-jeeriyaan ah,markaa wax yaabaha badan ee ay qabtaan Haayadaha UN-ku oo ay ka caawiyaan dawladaha Arrimo farabadan oo aan siyaasada Ku lug lahayn,arrimaha aanu doonayno in aanu kala hadalnana waxaa ka mid ah arrimo dhinaca horumarka ah,arrimo Jinsiga ku lugle(Gender),Tobabaro Booliska la siiyo iyo Askarta Jeelka la siiyo”.Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

Md:Maxamed Biixi Yoonis waxaa uu sida oo kale uu carabka ku adkeeyey in ay ka wadan ahaan ay xaq u leeyihiin in ay Haayadaha Qaramada Midoobay kala hadlaan sidii ay wax ugala qaban lahaayeen arrimaha dhinacyada Horumarka Somaliland,waxaana uu sida oo kale uu tilmaamay in aanay jirin wax dhibaata ah oo dhexyaala Cilaaqaadka Somaliland iyo Qaramada Midoobay.