Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Tuug Iyo Dhallinyaro Kooxo- Kooxo Isu Disha Oo Ay Xidh-xidheen

0
487

Picture4Hargeysa(Geeska):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiilaahi Fadal Iimaan ayaa faah faahin ka bixiyey hawl galo ay habeenadii u danbaysay  Ciimada Boolisku ku soo qabqabteen dad aad u tira badan oo isagu jira dhalinyarada Koox-Koox-da isu laaya,Tuug iyo sida oo kale dadka Maandooriyeyaasha ka ganacsada.

Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa,waxaana uu ugu horayn sheegay in Ciidamada Boolisku ay habeenadii ugu danbaysay ay si weyn ugu diyaar garoobeen ilaalinta Nabad-galyada iyo sida oo kale in gacan birleh kusoo qabtaan cid kasta oo bulshada dhibaato ku haysa udiyaar garawga munaasibada Ciida Awgeed. “Waxa fooda inagu soo haysa ilaahayna Nabad qab ha inagu gaadhsiiyee Munaasibada Ciidul Fidriga, ciidanka Boolisku waxa uu u xil saaran yahay ilaalinta nabad galyada Bulshada iyo qaranka Somaliland.Waxa uu Boolisku si weyn ugu diyaar garoobay ilaalinta Nabad-galyada iyo cid kasta oo bulshada dhibta ku haysa in ay gacan bir ah ku qabtaan” ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi  Fadal Iimaan ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi uu ku daray in sida oo kale ay hawlgalo noocan oo kale ah ay ka wadaan Magaalooyinka kale ee dalka kuwaasi oo lagu bartilmaameedsanayo dadka dhibaatada ku haya maatida iyo caruurta u diyaar garoobaysa Maalinta Ciida,waxaana uu yidhi:“Todobaadyadan sidii aad ku arkaysaan suuqyada waaweyn ee Magaaladda Hargeysa iyada oo uu Magaalooyinka kalena ka socdo, ciidanka Boolisku waxa uu qaaday hawl gal balaadhan, kaas oo lagu qabqabanayo Tuugta iyo dhalinyarada koox-kooxda isu dila, kuwaas oo ay ciidamada Boolisku had iyo jeer aad uga hawl galaan, markastana sharciga la hor-geeyo” .

Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan waxaa uu ugu danbayntii uu carabka ku dhuftay in ay intii ay hawlgalada wadeen ay gacanta ku soo dhigeen 120-qof kuwaasi oo isagu jira dhalinyarada Habeenkii Koox-koox-da isu laaya,Tuugta iyo sida oo kale dadka ka ganacsada Maandooriyeyaasha,waxaana uu tibaaxay in dhamaantoodba  sharciga la horkeeni doono.  “Haddii aan iminka idiin soo qabto saddexdii cisho ee ugu dambeeyay Hawl-galkii la qaaday waxa gacanta lagu soo dhigay ilaa 120 kuwaas oo isugu jira dhalinyarad Habeenkii koox-kooxda isu disha iyo tuugtii dadka dhibaatada ku haysay iyo dadka Maandooriyaha ka ganacsada, kuwaas oo dhamaantoodba marka uu baadhitaanku dhamaado Sharciga la horkeeni doono” Ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan.