Hargeysa(Geeska):-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md.Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo dawlada Itoobiya, waxaana uu sheegay in xidhiidhka Itoobiyada iyo Somaliland uu maraayo meeshii ugu wanaagsanayd isaga oo tilmaamay in dawlada Itoobiya ay Somaliland la leedahay cilaaqaad dheer kaasi oo aan marnaba sababi doonin in Labada wadan ay dhexdooda wax ka dhacaan. Md.Maxamed Biixi Yoonis, ayaa hadalkan ku sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale uu ka hadlay hakad dhawaan galay Fiisahii ay bixin jirtay safaarada dalka Itoobiya ay ku leedahay magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana uu sheegay in Istiikaradii lagu dhejin jiray Baasabooradu ay ka go’een safaarada iyaguna ay ku soo wargeliyeen, isaga oo hadana sheegay in hawshaasi ay dib ay u bilaabantay oo la keenay Istiikaradii lagu shaqaynaayey. “Sida aad la socotaan dawlada Itoobiya iyo Somaliland, waa Laba wadan oo jaar ah, cilaaqaad balaadhan ayaa innaga dhaxeeya, waa dad aan dad isagu dhow nahay, sida aad la socotaan Istikariskii ayaa yara go’ay lagu dhajinaayey Baasaboorada, waana ay noo soo sheegeen, annaguna bulshada Somaliland waan u sheegnay in waxa ka go’ay ay ahaayeen Istikariskii, khamiistii ayaa ay bilaabeen waa ay socotaa, waxaana aanu ku nidhi ha loo dedajiyo dadka, kuwii liiska sugayaasha ku jirayna si wanaagsan ayaa hada loogu wadaa. Waxaana aanu fileynaa in ay hawshaasi dhammaatay.”.Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka arrimaha dibadda Somalialnd Md.Maxamed Biixi, waxaa uu sida oo kale ka hadlay xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya isaga oo tilmaamay in uu maraayo meeshii ugu fiicnayd.“Xidhiidhka Labada wadan aad iyo aad ayaa uu u wanaagsan yahay intii horena waa uu ka sii xoog weyn yahay, waxaan jecel nahay in aanu dadka u sheegno dawlada Itoobiya iyo Cilaaqaadka Somaliland waa mid taariikhi ah, waa mid walaal tinimo leh, waa mid aan aad iyo isagu dhow nahay, wax dhibaato ah oo ka dhici kara Labada wadan dhexdoodana ma jirto, waa dadka aan dad isagu dhow nahay ayaan qabnaa.”.