Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Jawaabay Su’aalo Ku Saabsan Heshiiska Shiinaha

0
4603

 

Hargeysa (Geeska) Wasiirka wasaradda arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shalay  warbaahinta kulan wareed ugu qabtay madaxtooyada Somaliland, halkaas oo lagu waydiiyey su’aalo ku saabsan safarkii madaxweynaha ee shiinaha ilaa itoobiya, waxaanu ka waramay cida ay heshiiska la soo galeen, wuxuu sidoo kale ka hadlay safarkii madaxweynaha ee dhaliisha badnaa oo su’aalo laga waydiiyey.

Shirkan jaraa’id ee uu wasiirku shalay qabtay ayaa la aaminsanyahay inuu yahay kulan warbaahineed oo ay madaxtooyadu maalintii uu Madaxweynuhu soo guryo noqday balan qaaday inuu qaban doono, kaas oo la filayay in su’aalo lagaga weydiiyo amuuro kala duwan oo ku saabsan qaranka uu hoggaamiyaha ka yahay. Lamase oga sababta uu Madaxweynuhu shirkii jaraa’id ee uu maqlayay markii warbaahinta loo balan qaadayay ugu riixay wasiirkiisa Arrimaha dibadda, waxase la dareemi karaa inaan su’aalo badan loo hayn jawaabo shaafiya.

 

Hase yeeshe Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ugu horayn shirkiisa jaraa’id kaga jawaabay su’aal laga waydiiyey heshiiska saddex geesoodka ah ee Somaliland soo saxeexday iyo wadada tareenka iyo dhuumaha saliida ee itoobiya ka iman doona mustaqablka, waxaanu yidhi isaga oo su’aashaa ka jawaabaya. “Sida laga war qabo shiinaha iyo Somaliland waxa in mudo ahba imika u socday wada hadal ku saabsan sidii maal gashi loogu heli lahaa dalka, khaastan kaabayaasha dhaqaalaha oo dariiqyadu ka midyihiin oo ay dekadu ka mid tahay iyo meelo kale ay ka mid yihiin. Markaa safarkan uu madaxweynuhu dhawaan ku takay arrimaha ugu waawayn ee laga hadlaayey waxay ahaayeen sidii heshiis hor dhac ah looga gaadhi lahaa iskaashiga loogana midha dhalin lahaa. Arrimaha laga wada hadlay sidii uu madaxweynuhu sheegay warbixintiisa ku cadeeyey waxaa ugu wayn balaadhinta iyo casriyeynta dekada magaalada Berbera. Somaliland qaran ahaan waxay u aragtaa inay dekada Berberi ka mid tahay kaabasha dhaqaale ee dalka, waxaana loo baahan yahay si ay u hanato suuqa wayn ee ka jira geeska Afrika in dekadeena la casriyeeyo, la maal galiyo, la balaadhiyo si ay umad ka badan ilaa boqol milayn ay istic maalkeeda helaan, taas oo markaa dakhli dhaqaale oo fara badan iyo horumar shaqo dalka soo galin karta. Markaa arrimaha ugu waawayn ee laga hadlaayey taas ayey ahayd. Somaliland maanta awood dhaqaale oo ay ku dhisato mashruuca intaas leeg malaha, taas ayaa keenaysa in dunida lala shaqeeyo.”

Geesta kale wasiirka waxaa la waydiiyey cida Somaliland u damaanad qaaday, maadama oo aanay ahayn wakhtigan qaran la aqoonsan-yahay fulinta iyo taaba galinta heshiiskaas, waxaanu ku jawaabay wasiirka mar kale “Marka laga hadlaayo yaa damaanad qaadaya iskaashiga intaas leeg ee Somaliland la galinaayo, waxaa damaanad qaadaya oo heshiiska hor dhacaana saxeexay dawlada Somaliland, heshiiskani wuxuu dhex maray dawlada Somaliland iyo warshadaha shiinaha.

Dhinaca kale wasiirka oo la weydiiyay cidda ay Somaliland la soo saxeextay heshiiskan, ma dawlada shiinaha, ma shirkado gaara mise kuwo dawliya? Waxaanu wasiirku ku jawaabay  “Marka laga hadlaayo horumarka dunida cid waliba waxay saartaa waa hay’addo madax banaan ama shirkado. Dalkan aynu jaarka nahay ee itoobiya ee aad arkaysaan horumarka ka socda iyo suudaan, Kenya intaba waxaa fulinaaya ee wadaa waa maal-gashadayaal ee dawladuhu maal male ee waxaa maal leh baanka horumarka ee ay dalalkaasi leeyihiin iyo shirkado, markaa waa heshiish xoog wayn oo aanu filayno inuu wax wayn ku soo kordhin doono kaabayaasha dhaqaale ee dalka”.

Ugu danbayntii war-fidiyeenada ayaa wasiirka waydiiyey in safarkii madaxweynaha ay ka muuqatay nidaam xumo dhanka qaban qaabada ah, waxaanu kaga gaabsaday in war-baahinta markii uu dhoofay iyo markii uu soo degay madaxweynuhu ay siiyeen faah faahin ku saabsan socdaal-koodii.