Wasiirka Kalluumaysiga Oo Sheegay Inuu Suuqii Kalluunka Ee Yemen Hawada Ka Baxay

0
447

Picture4

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Cali Jaamac Faarax Buureed, ayaa ka hadlay weerarkii dhawaan ay soo qaaday Puntland ee ka dhacay Deegaanka Laasqoray, waxa uu sheegay in laga sugaayo qaantii ama magtii, isla markaana ay soo daayeen dadkii ay afduubteen, waxaanu uga digay inay mar dambe ku soo xadgudbin xaduuda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Cali Jaamac Faarax Buureed, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Ganacsigii Kalluunka ee ay Somaliland la lahayd Yemen uu meesha ka baxay rajana aan laga sugaynayn muddooyinka soo socda, “Nimankii ku soo xadgubay xuduuda ee Ninka Kalluumaystada ah ku dilay, ayaa jawaab laga sugaayey, baaqna waanu u dirnay, dawladduna wey u dirtay, iyaguna qiraal ayey ka yihiin, waana laga sugayaa qaantii, kuwii kale ee ay meesha ka aftuubteena wey soo daayeen, markaas arintaasi wey dhammaatay, laakiin fara gelintaasi in aanay mar dambe dhicin ayaanu uga digaynaa, Bulshadana waxa aanu ku boorinaynaa in Dhulkooda, Deegaanadooda iyo Baddooda ilaashadaan, maxa yeelay meel walba Ciidanka Dawladdu ma joogo, wax walba oo dhibaato ah ee ku soo waajahan dalkoodana inay soo gudbiyaan oo ay yidhaahdaan dhibaatadaas ayaa halkaas ka taagan si markiiba wax looga qabto, si aan loogu soo xad gudbin hantidooda iyo naftooda, intaas ayaana ugu baaqaya dhamaan dadweynaha xeebaha degan iyo sidoo kale dadweynaha kale ee reer Somalilandba”.

Wasiirku mar uu ka hadlaayey dagaalkii Yemen iyo Ganacsiga kalluunka  Somaliland doorka uu ku yeeshay ayaa yidhi “Ganacsiga Kalluunka waddooyin kale ayaanu dabada ka wadnaa, in aanu helno oo Wadamo kale iyo Shirkado kale oo Wadamada reer Galbeedka ha noqdeen, ama Barriga Dhexe ha noqdeen ayaanu ku hawlanahay, laakiin Ganacsigii Kalluunka ee Yemen inagaga xidhnaa iyo Suuqaasi hawada wuu ka baxay, wakhti  dhawna rajo lagama qabo”.

Wasiirka kalluumaysiga ayaa mar uu ka hadlaayey rajo uu ka qabo iskaashi ganacsi oo dhexmara Somaliland iyo itoobiya ayaa yidhi “In Kalluunkeena aynu u dhoofino Itoobiya aad iyo aad ayaan ugu rajo weynahay,wada hadalo  badan ayaa socda, dhinaca Ganacsatadeena iyo shirkadahooda ayaa xidhiidh badan wada, dhinaca labada Dawladooda ayaa heshiisyadii la waday muddooyinka dambe ayaa laga wada hadlaayey rajo fiicana waanu ka qabnaa in Kalluunkeena la geeyo”