Wasiirka Ingiriiska U Qaabilsan Afrika Oo Si Kooban Uga Hadlay Kulan Uu Addis Ababa Kula Yeeshay Madaxweyne Siilaanyo

0
481

Picture5Addis Ababa(Geeska)-Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds, ayaa si kooban uga hadlay kulan uu magaalada Addis Ababa kula yeeshay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wasiirkiisa arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Wasiir Simmonds, ayaa qoraal kooban oo uu geliyay boggiisa twitterka, wuxuu ku yidhi, “Intii aan halkan [Addis Ababa] joogay waxaan  Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cumar, kala hadlay kobcinta  ganacsiga iyo in laga faa’iideeyo hibada ay Somalidu u leedahay maalgashiga.”

 

Wasiirka Ingiriiska ahi ma bixin faahfaahin dheeraad ah iyo arrimo kale oo uu kala hadlay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Waxaanu u muuqdaa inuu carabka ka dhawrayo waxyaabo la xidhiidha siyaasadda oo ay ka wada hadleen. Laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Wasiirku Madaxweynaha kala hadlay sidii ay Somalilland uga noqon lahayd go’aanka ay ku qaadacday ka qayb galka shirka London. Madaxtooyada Somaliland wax war ah kama soo saarin kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirka, laakiin wararka qaar ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ku adkaystay qaadacadda shirkaas.

Wasiir Mark Simmonds, waxa kale oo uu bartiisa Twitterka ku sheegay inuu la kulmay Raysalwasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam oo uu kala hadlay iskaashiga Ingiriiska iyo Itoobiya iyo weliba shirka uu Ingiriisku Somalida u qabanayo bisha May. Waxaanay wararku intaas raaciyeen inuu Itoobiya si rasmi ah ugu casuumay shirkaas.