Madaxweynaha Suudaan Oo Booqday Koonfurta Sudan

0
621

Picture1Madaxweynaha Suudaan Cumar al-Bashiir ayaa booqanaya dalka Koonfurta Suudaan markii ugu horreysay tan iyo markii ay madax banaanida qaadatay sanadkii 2011.

Waxaa garoonka dayaaradaha kula kulmay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo wasiirro sarsare, iyadoo koox ka tirsan ciidanka militeriga ay u garaaceen astaanta calanka ee labada dal.

Madaxweyne Bashiir iyo dhiggiisa dalka Koonfurta Suudaan ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan dhulka soohdinta ee lagu muransan yahay iyo inta ay Koonfurtu bixineyso shidaalka la sii dhexmarsiinayo Suudaan

Kadib markii ay madax banaanida qaateen Koonfurta labada dhinac waxa ay qarka u fuuleen in dagaal uu dhexmaro, laakiin xiisadda ayaa la qaboojiyay dhawrkii toddobaad ee u dambeeyay.