Madaxweyne Siilaanyo Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Martiqaad Ay Qaramada Midobay Ugu Soo Dirtay Inay Somaliland Ka Qayb Gasho Shir Muqdisho Ka Dhacaya

1
813

kulan

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa gaashaanka ku dhuftay qorshe ay Qaramada Midoobay ula timid kaas oo ku saabsan inay Somaliland ka qayb gasho shir horaanta bisha dambe ee September ka dhacaya magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya kaas oo loogu magac daray shirka qaran ee wada tashiga Somaliya.

Ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Christian Manahl,ayaa kulan uu khamiistii la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ugu soo bandhigay martiqaad rasmi ah si ay dawladda Somaliland shirkaas uga qayb gasho kaas oo ay u soo fidisay Qaramada Midoobay. Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrikau xaqiijiyay in ergaygu isku dayay inuu Madaxweynaha ku qanciyo inuu aqbalo ka qayb galka shirkaas isagoo hogo tusaaleeyay inaanay wax dhibaato ahi ugu jirin Somaliland. Laakiin sida ay ilahaas xogogaalka ahi Geeska Afrikau gu warameen Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Mr. Christian Manahl si cad ugu sheegay inaanu shirkaasi Somaliland khusayn islamarkaana aanay sinaba uga qayb geli karin.

Ilahaas xogogaalka ahi waxa ay Geeska Afrikau xaqiijiyeen in Madaxweynuhu jawaabta uu ka bixiyay martiqaadka ay Qaramada Midoobay ugu soo dhiibtay ergaygan uu sidoo kale ku gudbiyay qoraal uu ku saxeexanyahay. Inkastoo aanay Geeska Afrikau suurtogelin inuu qoraalkaas arko, haddana ilahan xogogaalka ahi waxay sheegeen in Madaxweynuhu ku yidhi Qaramada Midoobay, “Waxaad ogaataan in dalkani yahay Somaliland oo aanu ahayn Somaliya. Wixii kale ee aad nala qaban karaysaan in  aan ka wada shaqayno  waxaanu u nahay diyaar, laakiin shirkaas iyo arrimihiisa ma jiraan wax Somaliland ka khuseeya, sinabana ugama qayb geli karto.”

Ku xigeenka ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, waxa uu dalka joogay wax aan ka badnayn shan saacadood, waxaanu dalka dib uga dhoofay markii uu la kulmay Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale, safarkiisaas koobanina wuxuu muujinayaa inuu siday farriin gaar ah oo deg deg ah.

Maaha markii koowaad ee ay Somaliland ka jawaabto shirkan iyo ka qayb galkiisa, waxase ay hore mawqifkeeda ugu cadaysay ergayga Qaramada Midoobay Mr. Augustine Mahiga oo sida muuqata isku dayay inuu dedaal diblomaasiyadeed ku qanciyo Madaxweyne Siilaanyo. Haseyeeshe inkastoo uu Ambassador Mahige yahay diblomaasi guun ah oo la socda taariikhda gobalka, haddana si ay ka tahayba waxa ka qarsoon in la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland tahay go’aan shacab.

Dhinaca kale ilo kale oo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa iyaguna Wargeyskan u xaqiijiyay in Qaramada Midoobay Somaliland u qoondaysay 15 kursi oo ka mid ah wufuuda shirkaas ka qayb geli doonta. Sidoo kale Raysalwasaaraha dawladda Muqdisho Cabdiweli Maxamed Gaas, ayaa shalay magaalada Garowe u tagay si uu Madaxweynaha Puntland ugu qanciyo inuu shirkaas ka qayb galo. Mr. Faroolaha Puntland ayaa si weyn uga soo horjeeda in shirkaas lagu qabto Muqdisho iyo weliba inay maamusho dawladda Sheekh Shariif, laakiin Cabdiweli Gaas ayaa sida ay ilahani sheegeen isku dayay inuu ku qanciyo Puntland inay shirkaas ka qayb gasho, waxa kale oo uu isku dayayaa inuu dhexdhexaadiyo Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Farole.

Comments are closed.