Wasiirka Ganacsiga Oo Soo Eegay Haamaha Shidaalka Berbera

26
2769

Berbera(Geeska)-Wasiirka wasaarada ganacsiga,warshadaha iyo dalxiiska Maxamed Xasan Saajin, ayaa gaadhay magaalada Berbera isla markaasna soo kormeeray haamaha shidaalka.

Waxa uu wasiirka ganacsigu uu sheegay in dhuumaha shidaalka keena haamaha shidalaka haatan loo baahan yahay in goobta ay ku yaalaan laga qaado si DP world ay halkaas hawlo uga qabato.
Wasiirka ayaa sheegay inuu halkaas u tago sidii aanu dalku shidaal u waayi lahayn inta dhuumahaasi la raraayo, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi”Maadaama oo halkii ay beebabku soo marayeen ay shaqo ka qaban doonto DP World in beebkii la wareejiyo, aniga oo qaba amar madaxweyne markaan xafiiska joogay in shidaalkii shirkadu ay ilaaliso oo aan saacad la waayin in waxii ka iman kara aanu soo indha indhayno, waanu soo aragnay wax sidaas u culus maaha beebka kale waa la soo dhigayaa, kuwani waa ay inoo sii shaqaynayaan waa ayaamaha kala wareejinta uun, waanu idin dhagaysanay idinkana.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here