Wasiirka Ganacsiga Oo Ku Dhawaaqay Inay Wadaan Qorshe Lagu Baadhayo Cuntooyinka iyo Saliidaha Dalka Yimaada

0
605

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka ganacsiga  iyo maalgashiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb Maxamed ayaa ku dhawaaqay inay ku guda jiraan qorshe lagu hubinaayo cuntooyinka iyo saliidaha dalka soo galaaya, waxaana uu wasiirku uu xaqiijiyay inay baadhitaanadooda ku dari doonaan liinta dalka ka soo gasha Masar taas oo dalal badani ay joojiyeen in dalkooda la geeyo, kadib markii laga helay xanuuno.

Waxa uu wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Cumar Shucayb Maxamed uu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeysaka Geeska Afrika, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi "Waxaanu wadnaa baadhitaan socday oo lagu waday cuntooyinka iyo saliidaha dalka yimaada, si loo ogaado inay yihiin kuwii saxda ahaa ee dadka loogu talogalay inay cunaan, haayada tayada iyo wasaarada ganacsiguba inaan sambalo ka qaadno cuntooyinkaas iyo saliidahaas deedna aanu u dirno dibada, si loo xaqiijiyo inay yihiin kuwii ugu haboonaa ee la cunaayay."

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Waxaana wax lagu go'aamiyaa inay waxii yihiin wax cad,  markaas waxaanu wadnayba oo qorshaayagu ahaa inaan baadhitaankaas samayno, liintaas shakiga laga muujiyayna qorshaayaga ayaanu ku daraynaa inaan ogaano inay tahay mid cudurada ka fayow iyo in kale, laakiin haddii ay ku cadaato inay cuduro leedahay oo laababku ay soo saaraan oo la ogaado, markaas haddii ay khatar ku tahay nolasheenii waanu ka hawlgalaynaa."