“Wasiirka Gadiidka, Waxaad Moodaa Inuu Isagu Sharciga Gacantiisa Ku Wato”

41
3526

Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane)

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida deegaanka iyo khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa dhaliilo u soo jeediyey Wasiirka Horumarinta Wadooyinka iyo Gaadiidka, waxaanu tilmaamay inuu Wasiirku ka qaadayo Gadiidka kala duwan ee dalka lacag aan xeer iyo sharci lahayn.

Guddoomiyaha Guddida deegaanka iyo khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka Wasiirka Maaliyadda iyo Xisbiyaha guud ee Qaranka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Liisamadii iyo Buugtii ay Dawladdu la soo noqotay meel looma sameeynin, inkastoo wareegtadu lahayd waxaa lagu wareejinayaa oo daabacada yeelan doonta Madbacada Qaranka, waxaana Madbacada Qaranka loo aasaasay inay sirta iyo xogaha muhiimka ah ee dawladda inay ilaaliso iyo waxyaabaha kale ee aan loo baahnayn inay gacmaha kale galaan, laakiin lagama dhabayn oo waxaan arkaayey Wasiirkii haystay Dhulka iyo Gaadiidka, ayaa isagu hawlo iska qabsaday, balse Liisanka Gaadiidka iyo Buuga Gaadiidka, ee Waddo maristo, waa inuu Xeer sheegaa, oo Xeer tilmaama, nooca uu yahay, sida uu noqonayo cabirkiisa, calamadaha qarsoon, kuwa muuqda, oo Xeer qaran baa asteynaya oo sheegaya, laakiin haddii inan waliba uu wax soo malmaluuqdo, waa dhibaato, Wasiirka Gadiidka, waxaad mooda inuu isagu sharciga gacantiisa ku wato, Golahana muu soo marin, haddii tacriifad la bedelayo,waa inuu Barlamaanku gooya, qaabka uu u wado Wasiirka Horumarinta Waddooyinku Bilaydh Lambarka waa qaabkii uu Xeerku sheegay, laakiin dadkii hore u iibsaday Bilaydh Lambarka, mar labaad lagama iibin karo, waxaana loogu bedeli karaa bilaash, lambarka bilaydh lambarka iyo warbixinta Gaadiidku maaha wax ku filan qaranka, ee waxaa loo baahan yahay halka uu ku dambayn doono lambarkani, waana inay Dawladdu ogaata halka uu lambarkani ku dambaynayo, mana ah in la tuuro, Wasiirka Gaadiidku waxaan leeyahay adeer  dadka hore u iibsaday Bilaydh Lambarka mar kale lagama iibin karo, lacag keenana waa xaaran, kuwa cusub waa sax, oo waa laga qaadayaa, inkasta oo ay muhiim tahay in tacriifada la isla ogaada, maxaa yeelay  Miisaaniyadii Sannadkii hore, waa la ansixiyey, haddii wax ka bedel lagu sameeynayana waa in la soo celiyo, dadka qaar waxa la odhanayaa intaas boqolkiiba ka jara, ilbaxnimada tuuganimada ee Miisaaniyadda Xukuumaddii hore ayaa laga bartay  ee Miisaaniyadda haddii ay wax iska dhimaan Dawladdu Golaha  ha ku soo celiso”.

Xildhibaan Siciid Gaane ayaa mar uu ka  hadlaayey khilaafka Wasiirka Maaliyadda iyo Xisbaahiyaha qaranka ayaa yidhi“Waan arkaayey inay is haystaan Wasiirka Maaliyadda iyo Xisaabiyihii, is haysigooda iyo is qabsigooduna waa siyaasad xumo, kaligood maaha, ee Masuuliyiin badan oo Xukuumadda ah ayaa is qabsaday,wax loo baahan yahayna maaha, waxaana fiican in masuul kasta oo xil dawladeed hayaa inuu xilkiisa garto oo aanu hawl kale oo aan hawshiisi ahayn inuu galo maaha”.

Xildhibaan Siciid Gaane ayaa dhinaca kale wuxuu talooyin u soo jeediyey Wasaaradda Deegaanka, oo uu ugu baaqay inay uga war hayso wixii qashin ah ee dalka lagu aasayo, si aanay dhib u keenin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here