Khilaaf Ka Dhex Taagan Wasiirka Maaliyadda Iyo Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Iyo Nuxurka Warqad Kulul Oo Uu Xisaabiye Axmed Daa’uud U Qoray Wasiir Yuusuf

43
2951

Wasiirka Maaliyadu Hargeysa(Geeska)-Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay Wasiirka maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi iyo xisaabiyaha guud ee qaranka Axmed Daauud Geedi, kaas oo salka ku haya dhinaca maamulka iyo awoodda.

Khilaafkan oo muddooyinkan dambe soo jiitamayay ayaa banaanka u soo baxay ka dib markii baraha bulshada lagu baahiyay warqad uu xisaabiyaha guud u qoray wasiirka maaliyadda oo uu ugu jeediyay eedaymo kala duwan, waxaanu ku eedeeyay inuu xad gudub maamulk ka taaganyahay xafiiska wasiirka maaliyadda. Xisaabiyaha guud ayaa ka jawaabaya warqad aanu sheegin nuxurka ku duugnaa oo uu wasiirka maaliyaddu u qoray.

Warqadda uu xisaabiyaha guud qoray oo ay sumadadeedu tahay WM/02/08-01/1792/2018 ee ku taariikhaysan 04/11/2018, oo uu xisaabiyuhu ku socodsiiyay xisaabiyuhu wasiirka maaliyadda, ayaa wuxuu ogaysiin nuqul ka mid ah ku siiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu warqadda ku yidhi. “Maadaama oo ay ka muuqato marin habaabin baaxad weyn oo ay iimuuqato inaad ku daboolaysid xadgudub maamul maaliyadeed oo ka socda xafiiskaaga. Waxay u muuqataa warqadaadu isku day inaad ka hor istaagto xafiiska xisaabiyaha guud ee qaranka gudashada waajibaadkiisa sharciga ah. Waxaan doonayaa inaan ku xasuusiyo in labada xafiis ee kan wasiirka maaliyada iyo kan xisaabiyaha guud ee qaranka ay hawlahoodu kala madax banaan yihiin, sida oo kalena shaqaalaha xafiiska xisaabiyaha guud aanay ka mid ahayn kuwa xafiiska wasaarada horumarinta maaliyada. Sidaas daraadeed aanad ku lahayn magacaabis. Shaqaalaha xafiiska xisaabaadka guud ee qaranka ee ku xusan warqada sumadeedu tahay WM/02/08-01/1792/2018 waxaan farayaa inay hawl maalmeedkooda iyo xilalkoodaba sidoodii hore u gutaan. Madaxda ogaysiinta ku leh warqada waxaan la socod siinayaa inay sidaas ula socdaan.”

Maaha markii u horaysay ee ay laba masuul oo ka tirsan xukuumadda Biixi uu khilaaf maamul ka dhex qarxo, sidoo kalena maaha markii koowaad ee waraaqo ay masuuliyiintaasi is dhaafsadeen ay banaanka u soo baxaan.

Dhawaan ayaa waxa banaanka u soo baxay khilaaf isna ka dhex qarxay wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka  Cabdillaahi Abokor  iyo maareeyaha ha’ayadda waddooyinka Cismaan Sheekh Cabdi, waxaana baraha bulshada soo galay waraaqo ay is dhaafsadeen labada masuul.

Hore waxa iyaguna isu khilaafay qaar ka mid ah wasiirada iyo agaasimayaasha, sida wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo iyo agaasimihiisii Guud Cali Caliyow, iyadoo markii dambe uu Madaxweyne Biixi xilkii ka qaaday agaasimihii guud.

Waxa soo badanaya muranada iyo khilaafka xubno ka mid ah xukuumadda Madaxweyne Biixi, kuwaas oo mararka qaarkood saxaafadda isu mariya eedaymo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here