Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Hadlay Eedaha Musuqmaasuq Ee Uu Hantidhawraha Qaranku Ku Eedeeyay Wasaaradiisa

0
896

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka gaashaandhiga JSL Axmed Ciise Xawar, ayaa markii u horaysay ka hadlay tuhunka musuqmaasuq ee uu hantidhawrku ku xidhiidhiyay wasaaradiisa.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan ayaa dhawaan HCTV u sheegay in hantidhawrka qaranku u soo gudbiyay baadhis uu ku sameeyay wasaaradaha warfaafinta iyo gaashaandhiga, waxaanu sheegay inay xafiiska Xeer ilaalinta yaalaan dacwado musuqmaasuq oo ka dhan ah masuuliyiinta wasaaradaha gaashaandhiga iyo warfaafinta.

Hase yeeshee Wasiir Xawar oo shalay waraysi siiyay idaacadda Daljir ee ay xarunteedu tahay magaalada Garowe ee Puntland, wuxuu tuhunada musuqmaasuq ee lagu xidhiidhinayo ku tilmaamay kuwo dacaayad ah, “Waa wax iska dacaayadA, eed waxa ku eedayn kara xeer ilaaliyaha iyo maxkamadda; hantidhawrku eedayn ma laha ee soo jeedin ayuu leeyahay, wax la buun buuninayay ayay ahayd waxay ahaydna hadda way soo dhammaatay.”  Sidaas ayuu ku jawaabay Wasiirku.

Mar la weydiiyay in maxkamadda looga yeedhay, wuxuu ku jawaabay  “wax ka jiraa ma jiraan.”

Waxa uu wasiirka gaashandhigu sheegay in aanay Somaliland deeganada Sanaag Bari ciidamada u gayn in iska horimaad uu ka dhaco, waxaanu ku baaqay in la ilaaliyo nabada gobalkaas“Somaliland ujeedadeedu maaha in meel nabadgalyo iyo xasilooni ay ka jirto ay carqaladayso qolyaahaas Puntaland ka socdana sidaas ayaan ku dhiirigalinayaa inay nabadgalyada dhinacooda ka ilaaliyaan,deegaanka nabadgalyada ayaa u muhiim ah.”

Wasiirka ayaa la waydiiyay bal in biyo dhaamis ay ka galayaan xaalada abaareed ee gobalka Sanaag, wuxuu yidhi “Wixii biyo la’la gaadhi karo ee degdeg ah halkay joogaan iyo meeshay ku sugan yihiinba in biyo dhaamis degdeg ah lala gaadho weeyaan ahmiyada kowaad ee Somaliland waanan bilownay oo waad arki doontaan bari [maanta] ilaa maanta [shalay] inshaalah.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here