Wasiirka Gaashaadhiga Oo Qiray In Caaddo Cusub Oo Foolxumi Ku Soo Korodhay Ciidanka Qaranka

0
557

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa qiray in caaddo fool xun oo cusubi ay ku soo korodhay ciidanka qaranka Somaliland, ka dib markii ay falal dil ah dhexdooda isugu gaysteen.

Wasiir Cadami oo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu ka hadlay dil toddobaadkan ka dhacay xeryaha ciidanka qaranka ee jiidda bari oo uu askari ciidanka ahi u gaystay askari kale isagoo mid kalena dhaawacay.  “Waxaan jeclahay inaan Kalmad ka idhaahdo Dhacdooyin isdaba joog ah, oo runtii ina dhaxal siisay geeri aad u fool xun, oo dadkii u joogay difaaca qaranka ee u halgamayay inay inaga hor joogaan cidkasta oo ku soo xad gudbaysa Somaliland, inay iyagii isku soo hoos noqdaan waxaas isku quudhaan, waa dadka dadka iska xiga ee xataa kuwii la dhashay iska jecel, waa Nasiib darro, waa Caado aan jiri jirin oo cusub in dadkii difaaca kuwada jiray ay isku soo guda noqdaan” ayuu yidhi Wasiir Caddami.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Aad iyo aad baanu uga xunnahay cidkasta oo falkaasi xun ku waxyeelowday oo iyadoo aan cadow shisheeye soo weerarin saaxiibkiisii la jiifay ee nafta iyo noloshaba la qaybsanayay uu soo weeraray”

Wasiirka gaashaandhigu wuxuu sheegay in talaabo sharci oo adag laga qaadi doono ciddii falkaasi gaysatay “Waxaanu caddaynaynaa in lagu jiro abaabulkii sidii Maxakamadda Ciidamada qaranku u bixi lahayd ee u tagi lahayd goobihii dhacdooyinkaas foosha xun lihi ka dhaceen oo ay dacwadda halkaas ku qaado, oo ay Qisaastu halkaas ku fusho, oo aanay noqon wixii isdaba jooga ahaa ee gacmaha hoosta la iskaga dhiibayay toona jirin maadaama Ninkii Ciidanka qaranka ahaa cidii aamintay iyo ninkii la jirayba ku soo hoos noqday wax cafis iyo dib u dhigid ah oo halkaas ka iman karayaa ma jiro, halkaas ayay Maxakamaddu tagaysaa halkaas baana cidii falka gaysatay lagu abaalmarinayaa” ayuu yidhi Wasiir Cadami.

Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyay markii shalay Askari Ciidanka ka tirsani rasaas ku furay askar ay isku ciidan yihiin. Askarta, ayaa ka  wada tirsanaa Guutada 8-aad ee qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka  fadhigeeduna uu yahay Deegaanka Gambadha oo dhinaca Bari ka xigta Magaalada Laascaanood.

Dilka ayaa la sheegay inuu ka dhashay ismaan-dhaaf dhex maray Askariga Dhaawacmay oo Magaciisa la yidhaahdo Cabdi Ibraahim Cabdilaahi  iyo  Askariga dilka ku eedaysan oo magaciisa la yidhaahdo  Mustafe Saalax Samatar, Kaasoo Rasaasta uu furay uu ku geeriyooday AHN laba Alifle Caydaruus  Cawaale.

 Warku wuxuu intaas ku darayaa inay Ciidanku gacanta ku dhigeen gacan ku-dhiiglaha waxyeellada geystay, kuna xidheen isla saldhiga Weerarku ka dhacay.

Dhinaca kalena, Dhaawac Askariga ka badbaaday toogashada ayaa waxa la sheegay inuu aad culusyahay, isla markaana loola soo cararay dhinaca Magaalada Burco.

Dilalka noocan ah ee  Ciidamada dhexdooda ka dhaca ayaa soo badanayay sanadihii u dambeeyay, iyadoo sanad wax ka yar laga joogo markii uu Askari ka tirsanaa guutada 17aad ee Ciidanka Qaranku uu saldhiga Ciidanka ee Jiida Maygaagle ku dilay laba Sarkaal oo madax ka ahaa taliska ciidanka ee Aaga Maygaagle.