Wasiirka Gaadiidka Somaliland Iyo Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Oo Warbaahinta Isku Mariyey Hadallo U Muuqda Inay Ficiltamayaan

0
635

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka ee Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Warbaahinta Internet-ka isku mariyey hadallo weerar iyo weerar-celis ah, kuwaasi oo muujinaya inay is ficishanayaan.

Hadalladan taag-taagan, ayaa bilaabmay ka dib markii dhawaan uu Wasiirka Gaadiidku eedaymo u jeediyey Xoghayaha WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, laakiin Xoghayaha WADDANI oo eeddaa hore daba socda ayaa Shalay Facebook ku baahiyey uu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu la doodo Wasiirka Gaadiidka oo uu ku eedeeyay Musuqmaasuq iyo Shaqo-xumo, hase-ahaatee Saacado kooban ka dib, waxa isaguna eeddaasi isla baraha Bulshada kaga jawaabay Wasiirka Gaadiidka, kaasi oo isaguna Khadar iska difaacay isla-markaana eedaymo u jeediyey.

Marka koowaad, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo daba socda eedaymaha uu u soo jeediyey Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadku ayaa bogga uu ku leeyahay Facebook wuxuu ku baahiyey Shalay qoraal uu eedaymo culus ugu jeediyey Wasiirka Gaadiidka, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi “Dawladnimada Xisbiga KULMIYE ee musuqa, caddaalad-darrada iyo eexdu sumadda & sowraca u tahay laguma difaaci karo hebello laga been abuurto, Saaxiibkay Cabdillaahi Abokor haddii uu diyaar u yahay in uu dood ku difaaco hoggaaminta fashilantay, hagaastay ee Xukuumadda uu ka midka yahay, ha u soo diyaar garoobo dood uu ila galo oo fagaare ah oo shacbiga Somaliland makhraati ka yihiin. Haddii aanu dooddaas awoodi karayninna ha iska aamuso oo ha dhex fadhiyo uun Wasaaradda uu xarunta ganacsiga u beddelay ee aanu aqoonta iyo kartida midna ku joogin”.

Laakiin, Wasiirka Gaadiidka oo daba socda hadalkaa Xoghayaha WADDANI ka soo yeedhay, ayaa isaguna baahiyey qoraal jawaab iyo eed ah, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Saaxiibkay Khadar Faji “ Magac Bilaash uma baxo” Waxaa Marag kuugu filan camalkaaga ee dib isku qiime. Aqoontu maaha maqaal la soo akhriyo lagana akhriyo Warbaahinta ee Waa barasho iyo ku dhaqan rasmi ah. Dawladnimadda iyo Wasaaradaha waa lagaaga Aqoon, Waayo-aragnimo iyo Kartiba badan yahay, Waligaana Kamaad shaqayn Xafiisyada Bixiya Adeega Dadweynaha. Macal Cunne soo Bixi Doonaa, waxaan diyaar u ahay dood- furan oo cadaynteed leh, waxaad keeni doontaa caddaymo ku filan difaacaaga, laba Faras Fuulka, wgu dambayn, waxaan saaxiibkay leeyahay Saaxiibkaana keen goobta, Codkana soo noolee”

 

Geeska.net/Hargeisa Office