Wasiirka Duulista Oo Mamnuucay Duulimaadyada Shirkadda Djibouti AIR

0
668

 

wasirHargeysa(Geeska)-Wasiirka  Duulista iyo Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi  ayaa ku dhawaaqay inay duulimaadyada ka joojiyeen shirkadda diyaaradaha ee Djibouti AIR.

Wasiir Xaashi, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hrgeysa, ayaa mamnuucidda shirkadaas ku macneeyay xaaladda diyaaradda oo aan wanaagsanayn iyo halis soo waajihi karta dadka rakaabka ah oo uu sheegay inay cabasho ka muujiyeen, “Waxaanu goosanay in Diyaarada Djabuuti Air ee wakhtigan joogta Madaarka Hargeysa, in aanu  Mamnuucno ama joojino  in dib danbe ay iskaga gooshin Madaarada  Hargeysa  iyo Djabuuti, waliba iyada oo dad rakaab ah sida, wakhtigan waxay fadhidaa Diyaaradu  madaarka Hargeysa,  marka ay noqonayso hal qof ma qaadayso, lakiin anagu Rusqadii kalamaanu noqon Djabuuti Air, ee waxaanu leenahay muddo Saddex todobaad ah ku soo badasha Duyaaradaasi, oo ay noo keenaan Diyaarad Wanagsan oo marka ay noo keenan aanu iska hubino oo Injieeradayadu iska eegan.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanuintaas raaciyay inay diyaaradan raaciyeen mid ka mid ah injineerada Wasaaradda si uu u soo hubiyo xaaladeeda, waxaanu yidhi, “ Eng. Maxamed Xaaji Cabdi Caamir,  ayaanu raacinay si uu u soo ogaado dhibta jirta ee rakabku ka cabanayaan waayo masuuliyada dadka dhoofaya waxa leh Somaliland sidaasi daraaded markii uu raacay waxay nimanka wada diyaaradu ku yidhadeen marka ay 15 Daqiiqo socoto ayey Qaboojiyayal yeelataa balse waa ay yeelan wayday, isaga oo xusay in haddana uu dib u soo racay Engineerku  Duyaarada sidii si lamid ah ay ahayd oo aanay wax hawo ah iyo qaboojiyaal ah aanay lahayn, marka taasi waxay dhalisay in aanu diyaaradaasi dalka ka mamnuucno oo aanu qaadanay go’aankii Engineerka  ee ahaa in aanay diyaaradaasi ku haboonayn in dad rakaab ah ay qaado.”

Wasiirku waxa uu sheegay  inay laba hablood oo kamid ahaa dadkii soo raacay Diyaaraddaasi ku neef qabatoobeen Diyaaradaasi oo aan lahayn wax Qaboojiyaal iyo hawada Ogsajiinta ah.