Jamaal Cali Xuseen Oo Khudbad Ku Saabsan Qiimaha Nolosha Ee Aqoonta Ka Jeediyey Jamaacada ADMAS

0
1097

 

Hargeysa (Geeska) Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka tirsan aqooynka Somaliland ayaa habeenkii xalay ahaa qudbad xiiso badan u jeediyey ardayda jaamacad ADMAS ee magaalada Hargyesa. 

Qudbada uu ardayda u jeediyey aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa halku dhig looga dhigay “qiimaha ay nolasha u leedahay aqoontu”. Ardayda kulankaas ka soo qayb gashay ayaa u muuqday kuwo u soo diyaar garoobay, isla markaana u soo qalab qaatay qudbada Jamaal Cali Xuseen, kuwaas oo waydiiyey su’aalo la xidhiidha aqoonta ay barteen iyo nuxurka qudbadiisa.

Qudbadaas ayaa ahayd mid si weyn loogu lafa guray sidii loo horu marin lahaa heerka aqooneed ee shaqsiga, isla markaana sidii kor loogu qaadi lahaa hamiga uu ardaygu higsaanaayo iyo sidii guul looga gaadhi lahaa waxbarashada, looguna raadsan lahaa shaqo u qalanta heerka waxbarasho ee qofk.

Sidoo kale Md Jamaacl Cali Xuseen wuxuu kula dar daarmay ardayda jaamacada ADMAS inay ka dheeraad dad uu ku sheegay inay had iyo jeer niyad jab kula kacaan dadka hamigoodu sareeyo, kuwaas oo ah kuwo ka xun sida uu sheegay Jamaal horumarka uu iskii u gaadho shaqsigu.

Jawaabta uu ka bixiyey Jamaal Cali Xuseen su’aalihii ay waydiiyeen ardaydu waxaa ka danbeeyey oo kulanka lagu soo af jaray sheekooyin xiiso badan oo ku qornaa buugii Jamaal Cali Xuseen ee Diwaanka Qosolka, kaas oo madasha ka dhigay goob farxadeed.

Si kastaba ha ahaate dhawaan ahayd ahayd markii uu Md Jamaal Cali Xuseen uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, isaga oo dalka u yimi hawlo doora.