“Haddaanu Nahay Guddiga Nabadgelyada Ee Golaha Guurtida, Waxaanu Damacnay Inaanu Wasiirka Arrimaha Gudaha U Tagno, Albaabkaanu Naga Xidhay”

0
4062

 

 

gaboose

Hargeysa (Geeska)-Fadhigii shalay ee mudanayaasha golaha guurtida oo lagaga hadlayay nabadgelyada dalka, ayaa lagu canaantay Wasiirka Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Gabose.

Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa shirgudoonkooda ugu baaqay in mar kale u yeedhaan Wasiirka Arrimaha  oo ay ku eedeeyeen inuu cudur-daar la’aan ka baaqsaday inuu horyimaado golaha tiraba sadex jeer.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan oo ka tirsan mudanayaashii shalay ka hadlay fadhigaas,  ayaa Wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyay inuu Guddida Nabadgelyada ee Guurtida albaabka xafiiskiisa ka xidhay xili ay ku booqdeen wasaarada daakhiliga  “Waxaan jecelahay in loo yeedho Wasiirka Arrimaha Gudaha oo nabad galyada waxa uu ka qabtay iyo siday ka tahay shirarkan badan ee dib inoogu celinaya 1993-kii dawlad nimadiina baa’biinaya in la waydiiyo waxa uu ka qabo ayaan soo jeedinayaa waan in loo yeedho.” Ayuu yidhi Xildhibaanku, waxaanu intaas raaciyay, “Haddaanu nahay gudidda nabad-galyada ee Golaha Guurtida waxaanu damacnay inaanu Wasiirka Arrimaha Gudaha u tagno albaadkaanu naga xidhay. Waxaan ku celinayaa in Wasiirka loo yeedho oo marka hore la fahan siiyo in aynu nahay gole dastuuri ah, kadibna la waydiiyo wixii uu shacabka u qabtay .”

Fadhigan oo uu guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Guurtida Sheekh Sheekh Nuux, waxa kale oo ka hadlay Xaildhibaan Jirde Siciid Maxamed, waxaanu yidhi “Waxaan soo jeedinayaa oo ay nabagalyadu ku horu mari kartaa in gudaha iyo kaantaroolada magaalooyinka laga soo galayo aad loo adkeeyo nabad-galyadooda oo lala socdo Huteelada habeenkii la seexdo, xukumaduna waa xukumad cusub oo muddo yar bay xilka haysay, doorka aynu gole ahaan ku leenahay-na waa wacyi-gelin sidii golahu waligiiba ahaan jiray doorkii uu ku lahaa arrimaha nabad-galyada la soo celiyo oo uu shirgudoonku ka hawl galo.”

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “ Saaka [shalay] waxaynu filaynay oo aanu u soo diyaar garownay in uu Wasiirka Arrimha gudaha yimaado, waa markii sadexaad ee loo yeedho ee aanu iman waana qodob disroori ah in aynu u yeedhano cidii aynu u baahano. markaa waxaan leeyahay haddii aanu imanayn shir gudoonoow waa in tallaabada uu leeyahay waa in laga qaadaa. “

Xildhibaan Sh. Cumar Sh. Furre, ayaa isna yidhi,  “Wixii nabad-galyada dhaliil u keenaya in laga dadaalo weeyaan, waxaan leeyahay xukuumaddu arrimaha ha eegto oo ha u qaybiso cid waliba waxa ay leedahay, nabad-galyadana haddii aynu Guurtida nahay sidii aynu u sugaynay ee aynu uga shaqaynaynay waa in aynu gole ahaan uga shaqaynaa oo ay u diyaar garawnaa waxa ka qabashadeeda. Waxaan soo jeedinayaa in Guurtidu dedaalkii ay lahayd la soo baxdo, xukuumaduna shaqadeeda ha ka soo baxdo.”

Xildhibaan Sahal Iidle Dirir, oo isna ka mid ahaa mudanayaashii shalay hadlay, ayaa yidhi  “Waxa haboon in la soo celiyo meelihii dadka lagala hadli jiray, tusaale markii ay doorashadu soo dhawyd Golaha Guurtidu wuxuu u baxay wacyigalin ku wajahan arrimaha nabad galyada iyo sidii ay ugu dhici lahayd doorashadu si nabad galyo ah, dabadeetana waxa loo baxay gobolada dalka oo dhan dadwaynuhuna wuu ka dharagsan yahay sida ay wax uga tartay habsami u socodkii doorashada iyo waayooyinkii ay bixinayeen Golaha Guurtidu. Anigu waxaan odhan lahaa wacyi galintaas Goluhu ha sameeyo marar faro badan isagoo dadka ku wacyi galinaaya nabad-galyada iyo midhaha ay dhalayso.” Fadhiga shalay ee mudanayaasha golaha guurtida ayaa ahaa mid xaasaasi ah.