Wasiirka Duulista iyo hawada oo sharaxay sababaha loo iibinayo xarunta wasaaradiisa

0
653

MadridHargeysa(Geeska) -Wasiirka duulista iyo hawada ee Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa caddeeyay in la go’aansaday in la iibiyo xarunta wasaaradda duulista iyo hawada, waxaanu sheegay inuu Madaxweynuhu u saaray guddi.

Wasiir Maxamuud Xaashi, oo xalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in iibinta wasaaradda ay baahiyi keentay, isagoo xusay inaan lagu iibin doonin suuq madoow, waxaanu tilmaamay in arrintaas loo xilsaaray guddiga qandaraasyada qaranka.  Waraysiga uu Geeska Afrika Wasiirka arrintaas kala yeeshayna wuxuu u dhacay sidan:

Wasiir, waxa soo baxaya warar sheegaya in xaruntii wasaaradda la iibinayo. Bal arrintaasi ma jirtaa?

Runtii waxaan jeclaa inay arintaas  ka hadlaan guddida qandaraasyada iyo wasaarada hawlaha guud laakiin mar haddii aad su’aasha I waydiisay, waan ka ka jawaabayaa. Waa dhab wasaarada duulista iyo hawada waa la iibinayaa waxaana loo iibinayaa sifo sharciga waafaqsan, dhawr sababood ayaa iibkan keenay, qodabka koowaad wasaaradu waa wasaarad wayn oo tiknikaala ah qaybo faro badan leh oo aan doonayana  wasarada in aan balaadhino, qaybahedii oo ay qaarkood hay’ado kale haystaan sida hay’adda ECAO  inay mustaqbalka la wareegto oo ay qabato.

Markaa wasaaradu waxay u baahantahay dhul aad u wayn, imikana waxay ku jirtaa xarun afar xafiis ka kooban oo shirkadii Somali Air Line ay dhawr iyo sideetanadii samaysatay kaasi waa qodab oo meeshu waa meel ku yar wasaarada iyo waaxyaheeda. Qodabka labaad wasaaradu halkay ku talaa waxay noqotay suuqa dhexdeeda, waana wasaarada kaliya ee maanta badhtanka suuqa soo galay, wasaaradaha kalena waa kuwaa shaqabka ku yaala, markaa meeshay ku taalaana qayb bay ka tahay.

Qodabka saddexaad isagana dhismaha laftigiisa ayay imika ay waxyeelooyin badani soo gaadheen oo u baahan in wax badan  lagu hagaajiyo, markaas sababahaasu waxay keeneen in wasaaradii loo dhiso meel ku haboon wa kow, laba dhisma ka balaadhana loo sameeyo. Daraasadaas markii aan samaynay madaxwaynaha ayaan u gudbinay madaxwaynuhuna waxa uu la ka tashaday wasaarada hawlaha guud iyo cidii kale ee ay qusaysay, arintiina waa laysla waafaqay oo madaxwaynuhuna rayigii waa uu aqbalay waanu ku qancay sidaas weeyaan.

Marka ay sidaas tahay arrintan waxa loo saaray guddi,  waxa weeyaan qaranku waxa uu leeyahay hay’addo qaabilsan, dawladu marka ugu horaysa waa ay iibin kartaa hanti ay leedhay, waa xaq dastuuriya o ay  dawaladu  leedahay inay hantideeda iibin karto, waxa waajiba inay u iibiso hab sharciga waafaqsan, markaa habka sharciga waafaqsan waxa weeyaan, madaxwaynuhu guddida qandaraasyada qaranka ayuu u qoray, cid gaar loo siinayo iyo cid hoos looga iibinayo toona ma jirto, si furan ayaa loo faafinayaa umada oodhan ayaana ogaanaysa maalinta qandaraaska la dhigayo, quddida  qandaraasyada qaranka ayaa qaadaya,   wasaarada hawlaha guud, wasaarada maaliyada iyo wasaarada duulistu waxay iibkeeda ka ahaanayaan goob joog. Wasaarada hawlaha guud iyada yaa inta aan lad higin qandaraasyada, waxay ka saarayaan hantida qaranka jagada intaan xaraashka la dhigin markaa guddi baa qaabilsan. Waxaan intaas ku kaabayaa anagu markii aanu mucaaradka ahayn may ahayn waxaan dhaliili jirnay nuxurkeedu maxaa aqalada loo iibinayaa,  dawldu xaq way u leedahay oo waa ay iibin kartaa ee waxaan dhaliilaynay qaabka loo iibanayay oo ahaa kuwo guri madoow lagu iibin jiray oo cid gaar loo siin jiray, laba guddida qandaraasyada qaranka iyo umada fursada loogama simi jirin, saddex hantida ka soo baxda miisaaniyada qaranka laguma muujin jirin. Aduunka ka soo baxa iibkaas maanta waxa lagu muujinayaa miisaniyada qaranka ee 2011-ka iyadoo dakhliya iyo iyada oo kharasha wixii wasaarada loogu dhisaba waa lagu muujinayaa.

Wasiir, waxa jira warar ay warbaahinta qaarkeed qortay oo sheegaya inuu khilaaf ka dhex jiro adiga iyo wasiirka maaliyadda kaas oo salka ku haya cashuurta 3-da Dollar ah ee dadka lagaga qaado madaarada. Arrintaasi ma jirtaa?

Arintan saddexda doolar wax khilaafa oo wasaarada maaliyada iyo wasaaradan duulista kaga dhaxeeyaa ma jiro. Saddexdaas Dollar  waxa loo ansixiyay wasaarada duulista iyo hawada ayay golaha wakiiladu u ansixiyeen inay qaado oo ay hawlaheeda hoose ku maamulato, wasaaradani waa wasaarad xaas-saasiya waxay wadaa shaqao joogto ah oo ka duwan wasaaradaha kale, waxa laga shaqeeyaa 24-ka saacadood madaarada  oo ay maamusho oo aan sugi karaynin miisaniyad qaran, baan lacag laga soo saaro iyo foojaro, markaa waxa waxan loogu talo galay nadaafada iyo gunooyinka shaqaalaha habeenkii shaqeeya, wax yaalahas ayaa loogu talo galay, waana arin aanu anagu u qabno in aan wanaajinay, maadaama aanu ansixinay shilimadii tuugada iyo sharci darada lagu qaadi jiry iyadoon xeerar jirin. Wax alle iyo wax murana oo wasaaradan  iyo ta maaliyada ka dhex jirana ma jiraan, waxaanay lamid tahay sida dekada oo  kale ay dakhliyad gaara oo adeega u qaataan, waana adeeg waxani. Lacagtaas saddexda Dollar ahina  waxay martaa sharciga iyo hab  nidaamka xisaabaadka qaranka waafaqsan, markaas sabab uu khilaaf uga dhashaa ma jirto.

Dhinaca  kale hawlihii dib u dhiska ee madaaradu Wasiir halkay kuu marayaan?

Hawlahan dib udhiska madaarada aanu hadda ka wadno, waa wax dawlada Somaliland fulinayso oo waxqabadkii sanadkii kamid ahaa oo aanu wax wayn ka badalanay labada madaar ee waawayn ee  Somaliland ee Berbera iyo Hargeysa, marshuucii ay dawlada Kuwayd inoogu deeqday dhawaan ayaa hawshiisa la qaadayaa waxa raajiyay oo turunturo ku noqday lacagta layna siiyay iyo baa kala batay markii shirkadii Kuwaytiinta ahayd qiimeeyaan baahideena, waxaa dhibaatadu ay ka dhacdayna iyadoon baahidiina la qiimayn ayaa lacagta laynoogu deeqay, markaa markii la qiimeeyay ayaa ay lacag badani ay soo baxaday oo dhawr iyo kontan milyan ah  in labada madar u baahan yihiin, deedna markii dhar iyo toban mashruuc oo waawayn laga dhigay ayaa layidhi wax toban milyan idiin gaadha ka doorta mashaariicda aan qaabaynay. Markii tii baa nagu adkaatay aanu dooran lahayn, waayo waxa muhiim ahaa dhabada diyaaradaha oo kale,  markaas imika waxan doonaynaa in dawlada Kuwayd ay lacagta wax ku darto, dhawaana waxa la qaadayaa mashaariicdaas ku saabsan, dawlada Kuwaydna waxa ka imanaya cidii qandaraaskaas iyo waxaas fulin lahayd ee qaadi lahayd.