Maamulka Puntland Oo Sheegay Inuu Doorasho Ka Qabanayo Laascaanood, Ceerigaabana U Qaybinayo Sida Gaalkacayo

0
649

Garoowe (Geeska) – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa mar kale ku celiyey inay qabsan doonaan Magaalada Laascaanood ee Caasimadda Gobolka Sool ee Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay inay magaalada Laascaanood ku soo celin doonaan gacanta Puntland, iyadoo aan dhiig ku daadan.

Wasiirka arrimaha gudaha wuxuu sheegay in ay u qorshaysan tahay in Laascaanood ay ka dhacaan doorashooyinka soo socda, farsamo ahaanna ay howshaas hadda gacanta ku hayaan “Laascaanood shaqadeeda way socotaa. Waxaan rabnaa iyadoo aan dhiig ku daadan in aan shirarkeena ku qabsano. Dhulkeena dastuuriga ah doorashadu way ka wada dhacaysaa.” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Maaha markii ugu horraysay ee Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland uu sheegay inay qabsanayaan Laascaanood oo 14-kii sanadood ee u dambeeyay ku jirta Gacanta Somaliland, ka dib markii Somaliland ay halkaa Puntland xoog kaga saartay sannadkii 2007.

Tan iyo waqtigaas Puntland kuma guulaysan damaceeda ah in ay qabsato Laascaanood ka mid ah dhulka Somaliland ee ku daboolan Khariiradda dhuleed.

Sanadkii 2018, Somaliland ayaa mar kale la wareegtay degmada Tukaraq oo 70km u jirta magaalada Garowe oo ah caasimadda looga arrimiyo Puntland.

Puntland oo hadda isku diyaarinaysa doorashooyinka axsaabta badan ayaa wasiirkeeda arrimaha gudaha wuxuu sheegay in ay doorashada ku qabanayaan dhammaan deegaanada ku jira dastuurka Puntland oo ay Laascaanood ku jirto.

Wasiir Dhabancad ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ay ka dhigi doonaan magaalo ay Puntland qeyb ka mid ah maamusho sida la mid ah magaalada Gaalkacyo oo ay ka wada taliyaan Puntland iyo Galmudug “Haddii Dadka eheladeena ee Ceerigaabo deggen ay rabaan in ay Somaliland wax la dhistaan mustaqbalka, waan soo dhoweynaynaa, haddii kalena Gaalkacyaba laba maamul ayaa degen Puntland iyo Galmduug ayaa  ka taliya, sidaas ayaan rabnaa in ay noqoto,” ayuu yidhi Dhabancad.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland oo maalmaha soo socda galaysa doorashooyinka barlamaanka iyo kuwa deegaanka, ayaa qorshaynaysa in doorashooyinkaas ay ka dhacaan deegaanada  Sool iyo Sanaag oo ay Puntland qeyb ka mid ah sheegato.

Illaa hadda Xukuumadda Somaliland kama hadal daan-daansiga Puntland, kaasi oo noqnoqonayey.

 

Geeska.net/Hargeisa Office