Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Djibouti Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa

0
779

sssss

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka diinta iyo awqaafta Djibouti Md. Aaden Xasan Aaden (Beleloo), ayaa shalay safar ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isagoo hoggaaminaya wefti culus oo reer Djibouti.

Wasiir Aden, waxa la filayaa inuu ka qayb galo furitaanka mashaariic ay dawladda Kuwait ka hirgelisay magaalada Hargeysa, oo ah dhismaha xarunta agoomaha ee Hargeysa oo si rasmi ah xadhiga looga jarayo.

Wasiir Aden, oo halkaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dadweynihii badnaa iyo wasiiradii soo dhaweeyay,  “Waxaanu ka mahadcelinaynaa soo dhawaynta walaaltinimo ee aad nagu soo dhawayseen madaxdii Somaliland oo aad u tiro badan, waxaanay na tusaysaa culays badan, waxaanay na dareensiinaysaa walaaltinimada iyo kalgalcaltooyada labadeena dawladood inoo dhexeeya.” Ayuu yidhi Wasiir Aaden, waxaanu sheegay in hay’adda Kuwait ee mashruuca fulinaysaa ay tahay mid wax qabad ka muujisay wadanka Djibouti, “Mashruuca loo balansanyahay, Djibouti ayuu ka hirigalay, nimanka reer Kuwait ee mashruuca xambaarsani waxay la yimaadeen hab ka duwan habkii hore ee hay’adaha samalku wax u samayn jireen, waxay la yimaadeen mashruuc horumarineed.” Ayuu yidhi wasiirku, iyadoo hay’adani reer Kuwait ay xarunteedu tahay wadanka Djibouti.

Wasiir Aaden, waxa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa wasiirada diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi, arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir, maareeyaha telefishanka qaranka Khadar Xasan Cali iyo masuuliyiin kale.