Gogol-xaadhka Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Oo Turkiga Ka Bilaabmaya

0
779

Picture6Hargeysa(Geeska)-Waxa wadanka Turkiga ka bilaabmaya maalmahan gogol xaadhka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo dhawr goor dib u dhacay, kuwaas oo la filayo inay bisha January ee soo socota ka furmaan wadankaas.

Waxa wadanka Turkiga hore u sii joogay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, shalayna waxa ka daba tagay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan, oo qoraal kooban ku sheegay inuu wadanka Turkiga u tagayo qaban qaabada wada hadalada labada wadan. “Ujeedada socdaalkan ayaa ah sidii Gudi ka socota Somaliland iyo kuwo ka socda dalka aanu jaarka nahay ee Somalia ay gogol xaadh uugu sii samayn lahayeen wada hadaladii Somaliland iyo dalka aanu jaarka nahay ee Somaliya oo dib u furmi doona isla markaana waxaanu diyaarin doonaa gudidii horay loogu balan sanaa in la sameeyo “Secretariat Team”.” Ayuu ku yidhi qoraalka.

Waxa isna dhawaan wadanka Turkiga safar ku tagay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Cabdiraxmaan Bayle, oo la filayo inuu isla arrimahan u tagay, inkastoo uu dib uga soo noqday.

Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, ayaa u muuqda qaar qaab caajis ah ku socda, iyadoo dawladda Somaliya u muuqato inay ka cago jiidayso in si rasmi ah loo gudo galo wejiyada kale ee wada hadalka oo dabcan la isugu soo biyo shuban doono mustaqbalka labada wadan sida uu noqonayo.