Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Xukuumadda Somaliland & Shacabka U Diray Baaq

0
644

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka digay fidinta wararka aan la hubin ee keeni kara fidno iyo dhibaatooyinka, waxaanu ku baaqay in mar walba laga taliyo wanaagga, isagoo xusay in wax kastoo aan diinta iyo dhaqanka islaamka ka hor imanaya aan cidna laga ogolayn.

Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuiu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu nahay ummad boqolkiiba boqol Islaam ah, waxaynu haysanaa oo ALLE inoogu naxariistay diinta xaqa ah ee uu ku soo dajiyey Rasuulkeena Muxamed CSW, markaas inaynu mar walba ilaashano Diinteena, caqiiqdadeena, dhaqankeena iyo imaankeena ayaa la inaga rabaa, maxaa yeelay inagu haddii aynu nahay ummadda Nebi Muxamed, gaar ahaan nahay umad islaam ah ummadaha kale waxaynu kaga fadli badan  nahay wanaagga aynu isku sheegayno iyo xumaanta aynu iska reebayno, ALLENA wax walba khayr ha inooga dhigo”.

Mar uu ka digaayey wararka been abuurka ah wuxuu yidhi “Maalmihii ugu dambeeyey Baraha Bulshada iyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta waxaa haystay weynu arkaynay, ee anigu waxaan ku talinayaa in aad looga fiirsado wararka la baahinayo, maxaa yeelay ALLE Quraankiisa wax walba uu inoogu sheegay, waxaana wacan in wararka la baahinayo in aad looga taxadiro, aadna looga fiirsado, oo haddii ay wax soo baxaan waxaa muhiim ah oo taladaydu tahay in Hay’adaha ku shaqada leh lala soo xidhiidho, laguna wargaliyo si ay wax uga qabtaan, walibana uga hor tagaan wax kasta oo dhibaato keenaya, sidaas darteed diinteenu cirdiga iyo sharafta qof kasta way ilaalisaa, weyna dhawrtaa, markaas Shacabka waxaan leeyahay ka digtoonada wararka xaqiiqada ka fog ee fidno abuuri kara iyo wax kasta oo lid ku ah dhaqankeena iyo diinteena, oo wararka kala duwan ee qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo baraha bulshada lagu baahinayo ka fiirsada, oo markaba run ha moodina, maxaa yeelay aynu iska ilaalino  wararka aan laga fiirsan ee xaqiiqada ka fog ee la baahinayo ee  sharafteena, cirdigeena iyo karaamadeena dhaawac ku ah, oo wax walba yeynaan rumaysanin, ta kale waxaan leeyahay mar walba aynu ka fogaano  wax kasta oo diinteenu aanay sinaba raalli uga ahayn, oo aynu dhaqaankeena iyo diinteena ilaashan, wax kasta oo ka hor imanaya aynu ka dheeraano”

 

Geeska.net/Hargeisa Office