Wasiirka Dib U Dejinta Oo Sheegay Inaanu Xafiiska Samofalku Madaxtooyada Hoos Tegin Ee Uu Ka Tirsanyahay Wasaaradiisa

0
592

Picture8Hargeysa(Geeska):-Wasiirka Wasaarada Dib u dajinta iyo dib udhiska Somaliland Md:Axmed Cabdi Kaahin ayaa sheegay in Xafiiskii hore u ahaan jiray Samafalka Madaxtooyadu uu hadda hoos yimaado Wasaarada dib u dajinta iyo dib u dhiska,waxaana uu carabka inaanu xafiiska samofalku hoos imanin madaxtooyada ee uu hoos yimaado wasaaradiisa.

Md:Axmed Cabdi Kaahin ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar warbaahinta ka mid ah kula hadlay xafiiskiisa, "Walaahi gabadhaasi (Aamina Maxamuud Diiriye, agaasimaha samofalka) iyada ayaa iska sheegata waxaas, Xafiiskanay hoos timaadaa,Miisaaniyadeeduna halkanay taalaa anaga ayaa siina, Mushaharooyinka Shaqaalahoda anaga ayaa bixina, Markaa dee iyadu haddii ay iska sheegato iyada ayaad su'aashaas aad waydiin doontaan ee iyadu Wasaaradan ayaa ay ka tirsan tahay Xataa Mushaharkeeda anaga ayaa bixina"Ayuu yidhi Axmed Cabdi Kaahin, oo ka hadlaya xilka agaasimaha xafiiska samofalka Aamina Maxamuud Diiriye.

Wasiirka Wasaarada Dib u dejinta iyo dib u dhiska Somaliland waxaa uu sida oo kale uu shaaciyey in ay dhawaan  dalka ka hir galin doonaan 800-oo guri oo ay u dhisayaan dadka barakacayaasha ah,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in ka wasaarad ahaan ay aad ugu yartahay Miisaaniyada ay dawladu siiso balse ay hadana ay ku dadaalaan si ay hawlaha shaqo ama adeegyada ay Wasaaradu ay u qaabilsantahay bulshada ay Mucaawinooyin u soo waydiiso Haayadaha Caalamiga ahi in caawiyaan dadka Qaxoontiga ah ee ku nool dalka.

“Inksata oo Wasaarada xaga miisaaniyadu ay ku yartahay oo aanan dhaqaale badan aanan haynin oo aanu hawsha ku sii fulino hadana Haayada haas ayaanu barinaa oo aanu u codsanaa inay dadkan dhibaatooyinku ay haystaan ay guryaha ay u dhisaan Imika sanadkan Waxaanu dhisaynaa 800-oo Guri Burcaanu ka dhisaynaa,Barberaanu ka dhisayna,Booramaanu ka dhisaynaa oo waxaas oodhanba Wasaarada ayaa soo jiiday dib udhiskaa dadka oo Haayadaha u soo bariday,Dawladaha Hoosena dhulkaanu waydiinaa oo dhulka ayaa ay bixiyaan sidaas ayaanu danyarta aanu wax ugu qabanaa Somaliland,waana ay fidaysaa oo Gobalada kale oo dhana waa ay tagaysaa"Ayuu yidhi Md:Axmed Cabdi Kaahin.