Wasiirka Daakhiliga Oo Ka Jawaabay Isbedelada Badan Ee Xoghayayaasha D/Hoose Hargeysa

0
579

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa  markii u horaysay ka jawaabay sababta keentay isbedeladan badan ee muddooyinkan dambe lagu sameeyo xog hayayaasha dawladda hoose ee Hargeysa.

Wasiir Faratoon oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay qodobo kale, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:

Muddo aad u kooban ayaad Wasiir dhawr Xogyahe oo Dawladda hoose ee Hargeysa ah aad badashay. Shacabku waxay is weydiinayaan maxaa keenay isbedeladan faraha badan ee xoghayayaasha dawladda hoose ee Hargeysa?

Arrintaasi waa arrin caadiya, dadka shaqaalaha ah ee dawladda u shaqeeya, xilal bay hayaan, xilalkaasina wax dhibaato ah oo ku jiraa ma jiraan, in la is bedelaana oo hadba maalin xilka dawladda cid lagu eego weeye, waa sunaha iyo habka dawladnimada, laakiin xumaan kale iyo dhibaato kale ma jiraan, mar haddii Xogyahihii hore la bedelay, oo Xoghaye kale la keenay, wax dhibaato ah oo ku jirtaa ma jirto, waana wax ka iska caadiya,

Adigoo ah Wasiirkii Arrimaha Guddaha, markii aad ka soo laabatay dalka Ingiriiska, si balaadhan baa dalka laguugu soo dhaweeyey, siyaabo kala duwana waa looga hadlay, markaas adigu sidee ayaad u aragtaa in dalkaagii aad masuulka ka ahayd lagugu soo dhaweeyo?

Runtii aad iyo aad baan ugu faraxsan nahay soo dhaweeynihii dalka gudihiisa iyo dibadiisaba kala kulmay, dadkeena dibadda jooga, niyad wanaag iyo kalgacal baan kala soo noqday, gaar ahaan waxaan aad ugu farxay qaabka ay iskugu xidhan yihiin, ee qadiyada iyo taladda dalka meel uga soo wada jeesteen, waxaana aad ugu faraxsan nahay sidoo kale sidii qiimaha lahayd ee markii aan dalka ku soo laabtay la ii soo dhaweeyey, qalbi furan iyo niyad wanaagsana Bulshadu wey ugu soo dhaweeyeysay.

Sidee ayaad u aragtaa inuu Madaxweynuhu wakhtigan uu yidhaahdo ha lala dagaalamo mus-maasuqa?

Madaxweynuhu wuxuu qaatay go’aan geesnimo leh, waa talaabo ina tusaysa Madaxweynuhu sida uu dadkiisa iyo xaalada ay ku sugan yihiin uu uga damqanayo.

Munaasibadii Xuska 18-may meesha waa laga saaray, waxaana la sheegay in kharashaadkii loogu tagalay in abaaraha lagu caawinayo sideed ayaad u aragtaa?

Waa go’aan fiican oo uu Madaxweynuhu qaatay, waana go’aan aad iyo aad u wanaagsan inagoo maanta dhibaato ina haysato, oo dadkeenii darxumo haysato oo ay baahan yihiin suurtagal inooma aha inaynu dabaal-degno, oo kharash fara badan aynu gelino dabaal-dega, 18-may, wey haboon tahay in la xuso, waana maalin inagu weyno, oo mudan in la maamuso, balse kharashkii maanta inagaga bixi lahaa, haddii la go’aamiyey in lagu caawiyo dadkeena darxumaysan ayaa wanaagsan.

Madaxweynaha Somaliya wuxuu booqasho ku tagay Dalka Itoobiya, waxaanu Raysal-wasaaraha Itoobiya uu sheegay in midnimada Somaliya uu ka shaqeeyn doono, xilli xidhiidh wanaagsan u dhexeeyo Somaliland iyo Itoobiya, markaas hadalkani saamayn intee leeg ayuu Somaliland ku yeelan karaa?

Raysal-wasaaraha Itoobiya, waa nin siyaasiya, mar haddii aanu si cad u sheegn oo aanu carabka ku dhufan Somaliland, ee uu sheegay oo qudha midnimada Somaliya, waa wax u gaar ah Somaliya, ee inaga Somaliya la inama yidhaahdo ee Somaliland ayaa la ina yidhaahda, Somaliland iyo Itoobiyana xidhiidh soo jireen ah oo qoto dheer ayaa u dhexeeya.