“Anigu; Waxaan Isu Sharaxay Inaan Cirro Iyo Muuse Dalka Ka Badbaadiyo” Faysal Cali Waraabe

0
594

Boorama(Geeska)-Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shacbiga reer Boorama u soo jeediyay waxyaabaha uu u qaban doono ka gobal ahaan, waxaanu dhaliilo xoogan u soo jeediyay xukuumadda.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe sidan ka sheegay xaflad loogu qabtay Boorama ururka dhalinayrada ah ee Samadoon oo ku soo biiray xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, waxaana isaga oo ka hadlaayay xaalada dalka uu yidhi "Dadku waa uu yeelan karaa siyaasad midaysan oo waa uu odhan karaa hadaanu nahay ururkaas waxaanu taageeraynaa xisbiga hebel, haday degma tahayna way odhan kartaa waxaanu codka siinaynaa xisbiga hebel, laakiin waxa wax laga yaqyaqsoodo ah in afar qaad doonayaa inta  la soo kaxeeyo ay yidhaahdaan hadaanu nahay reer hebel waxaanu ku biirnay xisbi hebel, waa wax laga xishoodo, aniga ayaan odhan karin hadaanu nahay reer Faysal xisbi ayaanu ku wada biirnay ma xukumo ee dadku waa kala jaad jaad.”

Faysal oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Dadkaas u nool maanta maxaad ku qayishaa ayaa sumcadeenii baabiyay, hadaad maqasho Ucid waa laga tagay Faysal Cali Waraabe aniga akhlaaq xumo laygagama tago ee waxa laygaga tagaa hunguri, anigu miskiin ayaan ahay oo bahalka daawaha ayaan ku wadaa, anigu mabda' ayaan leeyahay inanka iscasilana waxa lagu yidhaahdaa gaadhi iyo furihiisii hoo, waa waxyaabaha aanu doonayno inaan baabi'ino."

Musharax Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Dhakhtaradeena mid kastaaba Cisbitaal ayuu leeyahay marku uu ku baadhana kiiish daawo dhacday ah ayuu kaa soo iibinayaa, inta qof uun Itoobiya la geeyay ee laga daadiyay daawooyinkii dhakhaatiirteenu qoreen, qaarbaa jira markii ay sideetankii galeen jaamacada Xamar ay waxbarasho ugu danbaysay oo aan waxbaba garanayn cilmigiina waa uu koray shaqo ayay ku ka qabanayaan, waxaynu doonaynaa biyahaas maalin kasta baxaaya inaan qabano, ninka madaxweynaha ka ah kililka shanaad waraha uu qabtay waad yaabaysaa, waxaynu qaban karno ayaynaan u dhaqaaqin, mar la soo qoray diiwaanka shaqaalaha in boqolkiiba sagaashan dadka Awdal ka shaqeeyaa waxay ka yimaadeen gobalada bariga, waa xaqdaro gobalkaas qofkii aqoonteeda leh waa inuu shaqadaas ka shaqeeyaa, xaafadi waxay xaafad ugu wareegtaa waa xasarad, waanu joojinaynaa, markaad tagtid dekeda Berbera qof kaliyaata oo reer Awdal ah ka helimaysid markaad tagtid Lawyocadana dadka ka shaqaynayaaba waa wada reer bari, sidaaasi cadaalad noqon mayso, sodonka dolar ee laga qaadayo dadkeena kulaylka ka soo qaxayna waanu laalaynaa, xadka jabuuti ilaa maalintii hudheelka la qarxiyay waa uu inaga xidhan yahay dawladeenana uma xisaabsana, waayo qof walba dantiisa ayuu wadaa markaas yaa wadaaya dantii guud.”

Faysal wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday  oo uu yidhi “Anigu waxaan isku sharaxay run baan idiin sheegayaa waxaan dalka ka badbaadinayaa Cabdiraxmaan iyo Muuse Biixi, waa saaxiibaday midna awood uu dal ku waddo malaha."

Waxa isna halkaas ka hadlaya xoghayaha arrimaha dhalinyarada ee xisbiga UCID Cabdicasiis Xaaji Xuseen Cumar-xaashi oo dhallinyarada reer Awdal uga mahadceliyay sida ay u taageereen xisbiga UCID, waxaanu ku bogaadiyay go’aanka ay qaateen, isagoo dhallinyarada kale ee Somaliland ugu baaqay inay ku soo biiraan xisbiga UCID.