Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Ciyaaraha Oo Xilalkii La Wareegay

0
529

ssaHargeysa (Geeska)-Wasiirka   iyo Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska  Somaliland ayaa shalay xilkii Wasaaradaasi kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Ciyaaraha  Cali Siciid Raygal.

Munaasibadii xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Ciyaaraha ee Maagalada Hargaysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuulyiin kala duwan oo iskugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Shaqaalaha Wasaaradda  iyo Masuul kale

ugu horeyna ayaa waxaa Munaasibadaas ka hadlay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed  Xuseen Axmed Dhabeeye waxaana uu Wasaarada Ciyaaraha ku  soo dhaweeyey Wasiiradda cusub ee xilka Wasaaradasi la wareegay  sidoo kalana waxaa uu sharaxaad ka  baxiyey baaxada iyo wax qabadka Wasaaradaasi waxaana uu yidhi “Wasaaraddani waa Wasaarad runtii aad iyo aad u baxaad weyn waa Wasaarada Dhalinyarda iyo Ciyaaraha waana aynu ka wada war qabanaa oo waa Boqalkiiba Todobaatan (70%) bulshadeena dhalinyaradu   cida ugu horeysa ee u  adeegta waa Wasaaraddan waxaana farxad weyn dhammaanteen u  ah in wasaaradan oo la aas aasay 2000 in Maanta uu xilkeedii u wareejinayo Wasiir Cali Siciid Raygal waxaana Wasaaradda soo maray 6 wasiir oo wasiirkani lix ku yahay.

Wasaaradani mar xalado kala duwan ayey runtii soo martay waxaana ay Wasaaraddu ka kooban tahay afar waxood oo kala ah Waaxda Dhalinyarada ,Waaxda Dalxiiska ,Waaxda Maamulka iyo  waxaana ay Wasaaraddu ka shaqeysaa oo Xafiisyo ku leedahay  dhamaanba Gobalada iyo Degmooyinka Somaliland”

Dhinca kale waxaa iyaguna Munaasibadaas hadlo kooban ka yidhi  oo dararan iyo dhiirigalinba u badan Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Shaqaalaha,Guddoomiyaha xafiiska xuquuqul isaanka somaliland ,gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo ,Wasiir ku xigeenka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta  iyo Masuulyiin kale waxaana dhamaan ay masuulyiinta xilalka la wareegay ILLAAHAY SWT   uga bareyeen in xilkaasi ku asturo isla markaana Wasiirka Wasaaradda laga bedelayna isna ILLAAHAY SWT xilkiisa cusub ku asturo .

 Wasiirkii hore ee Wasaaradda  Ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo  isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi“Runtii hadalka badankiisii waa la yidhi waxaana aan wax ka odhan doona oo aan guud mari doona waxii Wasaaradan quseeya   Muddane Wasiir Axmed Cabdi Kaahin iyo Wasiir ku xigeenkaga Yuusuf Cismaan Garas waxaan si sharaf iyo xushmed leh idiinku soo dhaweenayaa Wasaarada Dhalinyarda iyo Ciyaaraha Somaliland oo Madaxweyne Siillanyo idiin soo igmaday anigana ii igmaday Wasaaradda dib u dejinta Somaliland .

Wasiir Cali Siciid Raygal oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wasaaradda Dhalinyarda iyo Ciyaaraha Somaliland waxaa ay u taagan tahay fulinta waajibaadka Dastuuriga ah ee xukuumadu u wakiiltay fulinteeda   waxaanan wasiir iyo wasiir ki xigeen mar labaad si sharaf leh idiinku leeyahay ku soo dhawaada wasaaradii dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland “

wasiirka cusub ee wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Cabdi Kaahin oo isna ugu dambayntii Munaasibadaas ka hadaly waxaana uu sheegay in uu ILLAAHAY SWT ka baryayo in xilkaasi ku asturo waxaanu yidhi  “Waxaan marka hore aan salamayaa  masuulyiinta kala duwan ee xafladan ka soo qeyb gashay runtii xilkan wasiirnimo ee mar labaad Madaxweyne Siillaanyo ii magacabay waxaa uu noqanayaa xilki saddexaad ee aan soo qabto aniga oo hore Xildhibaan u soo noqday oo muddo Toban Sanno ah Xildhibaan ahaa waxaana aan aad ugu faraxsanahay in aan noqdo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland waxaana aan balan qaadayaa in aan ku dadaali doono sidii aan halkaasi uga sii wadi lahaa dadaalkaas iyo hiigsigaas dheer ee wasaarada ciyaaraha ee aan  xilkeedi la wareegaayo “

Intaas kadibmna  waxa  uu Wasiirkii hore ee wasaaradda Ciyaarahu uu xilkii ku wareejiyey masuulyintaasi cusub iyagoo dhanka kalena ay shaqaalaha wasaaradaasi Shaado Sharafyo ku maamuuseen Wasiirkii hore  Cali Siciid Raygal.