Madaxweynaha Oo Ka Qayb Galay Aaskii Xil. Xariir Bulaale

0
543

DSC_0049Hargeysa(Geeska) -Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa Shalay ka qayb galay aaska ALLE SWT     ha u naxariiste Marxuum Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale, oo doraad ku  geeriyooday Magaalada Hargeysa.  Marxuum Xariir Siciid Bulaale, oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa u geeriyooday xanuun muddooyinkii u dambeeyay uu u jiifay.

Waxaa sidoo kale aaska Alle ha u naxariisto ee marxuum xilldhibaan Xariir Siciid Bulaale ka qayb galay masuuliyiin badan oo isugu jira wasiirro, iyo xildhibaannada Goleyaasha Guurtida, Wakiillada, iyo Deegaanka, Madaxdhaqameed, iyo Dadweyne kale oo tiro badan.

Madaxda Qaranka ee Madaxweynuhu ugu horeeyo ayaa Ehelkii Bulshada Somaliland, Goleyaasha Baarlamaanka iyo guud ahaan umadda Somaliland ee Xildhibaanku ka baxay ka tacsiyeeyay, iyagoo Marxuuka Illaahay uga baryay inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka iyo Umadda Somaliland-na samir iyo Iimaan ka siiyo.