Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xilka La Wareegay

0
502

Picture1Hargeysa (Geeska)-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa si rasmiya xilkii ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Geedoole oo Madaxweynuhu u magacaabay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland.

Munaasibadii xil wareejinta oo ka dhacday Imperial Hotel  ayaa waxa ka soo qeyb galay labadan Wasiir ee xilka la kala wareegay, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha, Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaraddan, qaar ka tirsan Madaxda Hay’addaha la shaqeeya Wasaaradda Beeraha iyo marti sharaf.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Cabdillaahi Ismaaciil Faarax oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa  ka  warbixiyey  waxyaalaha Wasaaradda u qabsoobay  inti uu  xilka wasaaradaasi  hayey  Wasiirkii hore  Faarax Cilmi  Geedoole oo  hada loo magacaabay  Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland, waxaanu sheegay  in  Wasaaradda  hadda ka koobantahay   lix waaxood  oo kala duwan  halkii ay  hore uga koobnayd  Saddex waaxood, waxaanu yidhi “Kolay anaga farxad ayaa noo tahay oo Wasiirkayagii ayaa tagay Wasaarad aan jaar nahay oo aan sidaa u kala fogayin isla markaan ka mida wasaaradaha hormuudka ka ah Qarankeena Somaliland, Wasiirkayaga Cusubna anuu isna ku soo dhawaynayno Wasaaradaydan oo iyada lafteedu ku jirta Wasaaradah Waaweyn ee dalka, aan idhaado Faarax Cilmi Geedoole waxa uu nagala tagay Wasiirkii Bariiska Wasiirkii ma daale  aniga laftaydu waxaan ahaan jiray Dadka neceb Safarada kolay waad la socotaan anaga iyo Wasiirku Waxaanu ku gudo jiri jirnay badanaa Safarada Gobalada iyo Dagmooyinka Dalka taasna waa dadaal uu daali jiray Wasiirka Beeraha oo Maanta (Shalay), aanu sii Sabootinayo Waxaan se filayaa in Wasiirkan cusubi in uu halkii ka sii wadi doono.

Wasaaraddani waxa ay u shaqaysaa sida ugu haboon kolay shaqaalaha ka shaqyin jiray way iska koobnayeen lakiin imika waxa ka shaqeeya shaqaale aad u tiro badan Wasaradda Beeruhu dhammaan waxay Gobalada Dalka ku leedahay Xafiisyo furan oo qalabaysan sidoo kale Wasaaradda Beeruhu Gobalada oo dhan isu duwayaal ayaanu ku leenahay”

Dhinaca  kale waxaa  iyaguna  halkaasi  ka hadlay  Masuuliyiin  ka mida ah Madaxta  Hay’ada FOA oo ka mida haayadaha   sida aadka ah ula shaqeeya Wasaaradda Beeraha  .

Dhanka kale waxa isna halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha  Faarax Cilmi Geedoole, oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada  waxaana uu ka war bixiyey  waxyaalihii u  qabsoomay  Wasaaradda Beeraha  intii uu Wasiirka  ka ahaa, waxaanu yidhi “Wasaaradda Beeruhu sidii miisaniyadeed Hal Bilyan Iyo shan boqol  Ayaa ay ahayid imikan waa Afar Bilyan taasina waa dadaal aanu la nimi iyo Rabbi oo nala garab galay sidoo kale waxaanu ugu nimi Wasaarada Sideed Gaadhi oo mid xunyahay , imikan Gawaadhideedu waxa ay marayaan Todoba iyo Labaatan Gaadhi.

Kolay Qarankan waxa aanu u xil saaranahay sidii aan Umaddan ugu soo saari lahayin Cunto ku filan oo ay cunaan ama ay quutaan taasna ALLE ayaan la kaashanaynaa qaybaha ugu muhiimsan waa kobcinta Shaqaalaha iyo Beeralayda oo ah in la tayeeyo si ay dakan ugu hagar baxaan kolay haaydaha inala shaqeeyaan waxa waqyin ayaa wadanka ka qabteen Gobalada oo dhan waxa ka socda mashaariico kala duwan”

Sidoo kale  wasiirka  cusub ee xilka la wareegay ayaa isaguna halkaasi  hadalo  kasoo  jeediyey  isaga oo Shaqaalaha  ka dalbaday inay  sidii  Wasiirkii hore  ay  ula shaqayn jireen  ula shaqeeyaan  sheegayn  in  wasaaradu  halkaasi   ka sii  anba qaadi  doono, waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanhay Wasaaradan la isoo magacaabay oo aan dhowrkii maalmaad ee aan booqday qof waliba lahaa alla Wasiir fiican ayaa nalaga badalay taas macnaeedu waxa weeye in Shaqaluhu aad u wanagsanyihiin, Aniguna waxaan balan qaadayaa anoo leh waayo aragnimo Shan iyo Labaatan Sanno ah in aan waxaan idiin hagaajiyo mooyaane anan waxa idinka xumayin waxaan aad ugu faraxsanahay waxyaabihii faraha badnaa ee halkan laga sheegay ee qabsoomay”