Wasiirka Cadaaladda Oo U Kuur Galay Xaaladda Xabsiga Magaalada Laascaanood

0
687

 

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo garsoorka Md Xuseen Axmed Caydiid ayaa shalay socdaal shaqo ku tagay  magaalada Laascaanood, waxaanu u kuur galay xaaladda maxaabiista iyo xabsiyada.

Wasiirka cadaaladu wuxuu kormeer ku soo maray xabsiga magaalada Laascaanood kaasi oo uu ugu kuurgelayay sidii uu wax uga ogaan lahaa xaalada dhabta ah ee xaalada maxaabiista ku jirta xabsigaasi iyo dhismaha xabsiga.

Ka dib markii uu Wasiirku kormeerkaasi ku soo maray xabsiga magaalada Laascaanood ayaa waxaa uu ka waramay waxyaabihii uu ku soo arkay xabsiga waxaanu yidhi “Runtii markii aan tegay xabsiga waxaa ii muuqday qolalka ay maxaabiistu ku xidhan yihiin in ay aad u yar-yar yihiin maxaabiistuna ku tiro badan yihiin, taasina ay keentay xabsigii iyo maxaabiistii ku xidhnaa oo kala badan, waxaa kale oo iyadna iiga muuqatay xabsiga gurigii lagu xidhayay qofka dil suga ah oo ay kula xidhan yihiin dad kale oo xukuman taasina ay kaliftay markii dadkii xukunaa ay qolalkii qaadi waayeen in uu xabsigii buux dhaafto.

maxaabiistu meesha ay ku jiraan, dhismeyaasha, meesha uu ku yaalo iyo baahidii ayaa kala badan, dayrka wareega ah ee xabsiguna wuu gaaban yahay taasina waxaan u arkayaa in ay kolay dhib badan ku qabi doonaan marka ay maxaabiistu soo baxaan ee ay musqusha tegayaan oo kale, in uu aaminkii ku yaraanayo ciidanka ee ay ku aamini lahaayeen mar haddii uu gidaarkii sidaa u gaaban yahay.”

Waxaa kale oo uu wasiirku kormeer ku soo maray xarumaha garsoorka halkaasi oo uu kula kulmay qaar ka mid ah masuuliyiinta garsoorka ee heer gobol iyo heer degmo, iyada oo uu wasiirku kulankaasi ka soo jeediyay hadalo isugu jiray dardaaran iyo sidii kor loogu qaadi lahaa hawlaha garsoorka ee gobolka sool gaar ahaana maxkamadaha “Marka hore si aan ku talo gal ahayn ayaan halkan u imid oo aan miisankeedii garsoorka lahayn, runtii sharciga waa in sidiisa loo ilaaliyo, Maxkamadaha dad badan oo dhib sheeganaya ayaa jooga layaabna malaha oo maxkamadihii aynu arinkaa ka xalaalayn lahayn xalin ayay u baahan yihiin, garsoorihii kiiska baadhi lahaa yooyootankan iyo marxaladahan dadkii ay dhibaatada gaarka ahi haysatay .” ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladu.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu kulamo gaar ah la yeeshay masuuliyiinta maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobol waxaanu ka waraystay masuuliyiintaasi xaaladaha uu haatan gobolku ku sugan yahay, iyaga oo masuuliyiintaasina ka warbixiyay halka ay wakhti xaadirkan marayaan guur ahaanba xaaladaha gobolka Sool.