Hay’adda Al-Huda Oo Salaadii Ciidda Gogol Ugu Deeqday Dadkii Istadyomka Ku Tukaday

0
3932

 

Hargeysa(Geeska)-Hay’adda Al Hudda oo iyadu ka hawlgasha Guud ahaanba Goboladda iyo Degmooyinka dalka ayaa deeq  kala duwan u qaybisay caruurta ku dhaqan caasimadda.

Deeqdan oo ka koobanayd waxyaabaha  ay munaasibaddaha ku ciyaaraan Caruurtu, buskud iyo waliba waxyaabo kale ayaa waxa maamulka hayaddani ay sheegeen in ay ugu talo galeen sidii ay uga farxin lahaayeen ubadka.

Agaasimaha Hayadda Islaamiga ah ee Al Hudda Sheekh Cabdinaasir Iid Maxamed oo warfidiyeenadda la hadlayay ka dib qaybinta deeqdan ayaa sheegay in marka hore uu dhambaal hambalyo oo ku aadan Munaasibadda Ciidul Fidriga u dirayo guud ahaanba shacabka Reer Somaliland, si gaar ahna waxa uu dhambaal hambalyo ah ugu Diray Sheekh Cabdale Abiib Xuseen oo isagu ka mid ah culimadda Reer Somaliland, fadhigiisuna yahay dalka Qadar.

Sheekh Cabdale Abiib ayaa sida uu agaasimuhu sheegay ah ninka keliya ee tunka u riday Hayadda Al Hudda, waxaanu ilaahay uga baryay in uu khayr iyo ajar faro badan ka siiyo.

Gabogabadiina waxa uu xusay in gogoshii maalintii Ciddii  la dhigay safafka hore ee garoonka kubadda cagta ee Hargeysa oo ay dad tiro badani ku tukadeen ay hay’adoodu fulisay.