Maxamed Nuur Caraale (Duur) Oo loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland

0
975

Hargeysa (Geeska) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ayaa maanta xilkii wasiirka arrimaha guddaha u magacaabay Md Maxamed Nuur Caraale (Duur), kadib markii uu dhawaan xilkii iska casilay Md Maxamed Cabdi Gaboose.

Waxaa magacaabista Md Duur laga soo saaray war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay af hayeenka madaxtooyada Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaana lagu yidhi sidan:-

01/09/2011

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo uu Numberkiisu yahay 0169/092011 ku Magacaabay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee JSL .

Madaxaweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay Dalka iyo Dhismaha Qaranka

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday In Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.