Wasiirka Biyaha Oo Shaqada Ka Joojiyay Agaasimihiisa Guud Iyo Khilaaf U Dhexeeya Oo Banaanka U Soo Baxay

0
1180

Hargeysa(Geeska)-Khilaaf ka dhex jira wasiirka biyaha Saleban Yuusuf Cali Koore iyo agaasimaha guud ee wasaaradaas Jamaal Cabdi  Muuse ayaa banaanka u soo baxay, ka dib markii uu wasiirku shaqadii ka joojiyay agaasimaha guud.

Warqad ku taariikhaysan shalay 9 February, oo uu wasiirku ku socodsiiyay agaasimaha guud, ayaa wuxuu kus heegay inuu shaqadii ka joojiyay, ka dib khilaaf curyaamiyay shaqadii wasaaradda. Warqadda oo uu Wasiir Koore sidoo kale ogaysiin siiyay Madaxweyne Biixi, ayaa u dhignayd sidan “Waxa muddo jirtay shaqadii wasaaradana caqabad ku noqotay kala danbayn la’aan; go’aanka wasaarada oo yeelan waayay meel uu ka bilaabmo iyo meel uu ku dhamaado toona,  shaqadii wasaarada oo ay dhib ku noqtay fadhiidna noqotay gaar ahaan toddobaadkii ugu danbeeyay.

Sidaas daraadeed markii ay gaadhay in mushaharkii shaqaalaha iyo gunooyinka oo aan saxeexay uu diiday, waxaan go’aansaday inaan shaqada kaa joojiyo inta uu madaxweynuhu go’aan ka gaadhayo siday wasaaradu u shaqayn lahayd .

Sidii kala danbaynta dib loogu soo celin lahaa waxaana shaqada agaasimaha guud sii wadi doona si ku meelgaadh ah  mud. Maxamed Aadan Muumin ( Agaasimaha waaxda shuruucda ee cilmi baadhista Wasaarada horumarinta Biyaha).”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here