Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Yeeshay Ergayga Turkiga Ee Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho

0
1125

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay la kulmay ergayga gaarka ah ee Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Dr. Olgan Bekar oo safar ku yimid magaalada Hargeysa.

Warsaxaafadeed ay madaxtooyadu soo saartay, ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan.

Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay kamid yihiin wada-hadalkii dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika, waxana uu madaxweynaha Somaliland u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas.

Sidoo kale,  Waxa uu madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey ergayga in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto dalalka Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed ay Dawladda Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmooyinkaas, si uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo.

Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo ergaygu  isla gorfeeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal  ee Turkiga iyo Somaliland  iyo taariikhda soo jireenka ah ee ka dhaxaysa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here