Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Xilkii Ka Qaaday Xoghayihii Dawladda Hoose Ee Hargeysa, Masuul Cusubna U Magacaabay

41
2831

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa xoghaye cusub u magacaabay dawlada hoose ee magaalada Hargeysa, waxaana wasiirku xoghayaha cusub uu u magacaabay Axmed Yoonis Aadan Mire,xoghayihii hore ee dawlada hoose Cali Xasan Cawaale ayaa la faray inuu xilka ku wareejiyo masuulka loo soo magacaabay.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dhawaan xoghayihii hore ee dawlada hoose Cali Xasan uu khilaaf dhex maray maayarka caasimada, waxaana magacaabistani ay u dhignayd sidan “DIGREETO WASIIR (No: 01/72/31/01/2018)

Magacaabis Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Hargeysa

WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA Markuu Arkahy: Qodobka 45aad faqradiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Ismaamulka Gobolada Iyo Degmooyinka Xeer No 23/2002 oo cadaynaya Magacaabista &  xil ka qaadista Xoghayaha Fulinta.

Markaan la tashaday: Madaxda iyo Mas’uuliyiinta ay arrintani khusayso

Markaan Tixgaliyay: Ahmiyada uu Xoghayaha Fulintu u leeyahay Maamulka

Dawaladaha hoose ee Dalka

Markaan ku qancay: kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo, isla

markaana hanan karo xilka Xoghayaha Dawlada Hoose

Waxaan go’aansaday in Mudane Axmed Yoonis Aadan Mire uu ahaado Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Degmada Hargeysa laga bilaabo Taariikhda Xeerkan. Gudoomiyaha Degmadda Hargeysa waxaa la farayaa in uu Xilka si buuxda ugu wareejiyo Xoghayaha Cusub ee loo soo Magacaabey Degmada. Xoghayaha cusub ee Degmada loo soo magacaabay waxaa la farayaa in uu xilkaas loo magacaabay si hufan u guto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here